Calendar

Wasiiradda cusub oo la wareegay xilalka

Golaha Wasiiradda cusub ee Soomaaliya ayaa xilalka kala wareegaya wasiiradii hore ee xukuumadii KMG ee u hogaaminayay Cabdi Wali Cali Gaas.

Xaflada oo ka dhacaysa Muqdisho waxa la filayaa iney ka duwanaato xil isku wareejintii hore ee wasiirka uu la wareegi jirey magic oo kaliya uuna la wareego waxyaabo badan.

Wasiiradda xilalkooda la wareegaya waxa kamid ah wasiirka cusub ee warfaafinta C/llaahi Ciilmoge Xirsi, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi Xakin Fiqi.

Waxa la wareejin doona 18-wasaaradood iyadoona ay wasiiradda cusub ay yihiin 10-wasiir kuwaas oo wasaaradahaas ay yihiin kuwo la isku gey-geyay.

Shalayto ayaa xukuumadii hore iyo xukuumadda cusub waxa ay yeesheen shir ay isku dhaafsanayeen warbixino ugana hadlayeen sida ay ku dhici karto xil wareejin quman.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ah tii ugu horeysay ee aan KMG aheen ee dalka uu yeeshay tan iyo markii ay burburtey dowladii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: