Calendar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Spain kula kulmay Madrid

SOMALIA SPAIN 1

(Bartamaha Madrid) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kula kulmay Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain dhiggiisa Arrimaha Dibadda José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulanka labada Wasiir oo looga hadlay arrimo muhiim u ah danaha wadaagga ah ee labada dal , ayaa waxaa ka mid ahaa taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay sameeyaan iyo la dagaalanka argagaxisada.

SOMALIA SPAIN 2

Mudada uu kulanka socday , labada Wasiir Arrima Dibadeed , waxa ay is dhaafsadeen aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo isbadalada Soomaaliya , gobolka iyo caalamka.

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Mr. Alberto Virella oo ah Agaasimaha Africa, Asia iyo Yurubta galbeed ee Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Spain (AECID) oo ay ka wada hadleen fulinta mashaariic horumarin, la dagaalanka saboolnimada iyo dejinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax wadaagga labada dal .

SOMALIA SPAIN 3

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu sidoo kale kaga qeybgalay Magaalada Madrid kulan dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiiayay , kaasoo ay qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista Spain ee Think Tank .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale balaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya dowladaha , Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga , si indhaha caalamka ay u arkaan hanaanka qurxoon ee isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan , taasoo kordhisay in dowladaha iyo ururada caalamiga ay dib uga furtaan Safaarado iyo Xafiisyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: