read more »">
Calendar

Wasiirka Darstuuura: “In dib loo eego Dastuurka waxa ay kamid tahay Hormarka…”

Faarax Sheekh C.qaadirWar-saxaafadeed:–Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C.qaadir oo ka hadlay kulan ay soo qaban qaabiyeen wasaarada uu Madaxda u yahay iyo xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu wax lagu faano iyo Hormar uu ku tilmaamay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa kasoo Qeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya,Gudoomiyaha baarlamaanka, Ra’isul-wasaaraha,Gudigga madaxa banaan ee dib u eegista Daastuurka iyo Agaasimayaal ka kala socday wasaaraha kala duwan ee Dowladda, ayadoona diirada lagu saaraye halka ay mareyso shaqada dib u eegista Dastuurka

Wasiirka Dastuurka ayaa yiri: “Waxaa dib-u-eegista Dastuurka loo xil saaray Gudigga madax banaan oo ka kooban Shan xubnood Wasaaraduna waxay lagarab taagan tahay taageero nooc kasta ah” sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “In dib loo eego Dastuurka waxa ay kamid tahay Hormarka Dowladda”

Ugu danbeentii kulanka ayaa waxaa hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uuna yiri: “Dastuurka Dalku wuxuu soo maray maraaxil kala duwan, maantana waxaa furnay xaflada lagu daahfuray sidii dastuurka dalka looga saari lahaa KMG, waxaana Wasaaraddu u xilsaartay shaqadaas Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shacab iyo dowladba aan kalsooni ku qabno, waxaan gudigga ka rajaynaynaa in ay si caddaladi ku jirto u gutaan shaqaadooda. shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayaan sidii dalka loogu samayn lahaa Dastuur dhamaystiran, waxaana ilaahay subxaana watacaala uga baryeeynaa inuu idinla garab galo shaqada weyn ee laydin xilsaaray, waxaan balan qaadaynaa in Baarlamaanku idinla garab istaagayo wixii taageero ah oo aad u baan tihiin”

Dhamaad:

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: