Calendar

Wasiirka Difaaca oo tagaya Kenya iyo Uganda (WARSAXAFADEED)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay oo Arbaco ah u safray Dalalka Kenya si uu ula kulmo Wasiirka difaaca dalkaas.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa ujeedada socdaalkiisu yahay sidii la isaga kaashan lahaa Howlgallada ay AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka uga xureynayaan cadowga guud ahaan wadanka, ,horumarinta tababarrada ciidamada xoogga dalka iyo qaabkii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidamada XDS.

“Muhiimadda ugu weyn ee safarkeyga waxa ay tahay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Gobollada ay ku suganyihiin kooxda Al qaacidada Soomaaliya ee al shabaab”.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aan marnaba aysan Wasaaradda Gaashaandhiggu u dulqaadan doonin in Ajnabi dambiile ah uu kusii sugnaado wadanka gudihiisa kana shaqeeyo dhibaateynta shacbiga, isagoo ugu baaqay ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabab in ay isaga baxaan Guud ahaan dalka inta aysan ciidamada Xoogga dalka gacanta ku dhigin.

“Dhallinyarada ay qaldeen Shabaab waxaan ugu baaqayaa in ay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan maanta oo ah in ay isasoo dhiibaan kana towba keenaan Dambiyadii ay ka galeen Bulshada cafisna ay weydiistaan waad ogtihiin maanta Al shabaab wey jabeen mana lahan awood ay isaga difaaci karaan Ciidamada geesiyaasha ah ee DF iyo AMISOM” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi.

Xafiiska Xiriirka warbaahinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: