Calendar

Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday ciidamada huwanta ee kusii jeeda Jowhar [SAWIRO]

Wasiirka Gaashaandhiga oo wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa booqday ciidamada huwanta ee jooga deegano ku dhaw dhaw degmada Jowhar ee gobolk Shabelladda Dhexe.

Cabdi Xakiin Maxamud Fiqi oo ah wasiirka Gaashaandhiga iyo Gen. C/Qadir Cali Diini oo ah taliyaha ciidamada xoogga Dalka ayaa waxa ay kormeer ku sameyeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM oo ku sugan duleedka Jowhar.

Masuuliyiinta ayaa warbixino ka dhageystey taliyaasha ciidamada oo uga sheekeyay halka uu marayo howl-galka la doonayo in lagu qabto magalada Jowhar iyo deeganada kale ee gobolka Shabelladda Dhexe.

Magalada Jowhar ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay wai ay ku sugan yihiin kooxda Al Shabaab oo laga qabsaday dhul badan oo gacanta ay kuhayeen.

[slidepress gallery='booqashada-wasiirka-gaashaandhiga']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: