Calendar

Wasiirka Gaashaandhiga oo digniin u direy askarta dowlada

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa digniin u direy askarta dowlada ineysan dhibaaten shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Xakiin Fiqi waxa u wareysi siinayay idaacada afka dowlada ku hadasho waxa uu sheegay in ciqaab adag uu mari doono qofkii ay dhibaato gaarsiiyaan ciidamada dowlada.

“Way jiraan ciidammo dhibaateeya shacabka oo ka mid ah ciidamada oo la qabtay, kuwaasoo qaarkood la xukumay qaarka kalena ay xukun sugayaal yihiin,” ayuu yiri wasiirka

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka hadlay qorshaha ay doonayaan iney ku dhisaan ciidamadda qaranka Soomaaliya oo muddadii ka badneed 20-ka sano ee burburka aan jirin ama tabar laheen.

“Hadii aanay ciidan jirin runtii qaran ma jiri karo waxaana inaga go’an inaan dib u dhis ku sameyno Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loosoo celiyo sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen,waanna arin naga go’an sidoo kale inaan la dagaalanno kuwa magaca ciidammada wasaqeynaya si aan sharaftoodii usoo celino”ayuu yiri Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Fiqi ayaa waxa uu baaq u direy shacabka SOomaaliyeed iney taageero badan u muujiyaan ciidamada qaranka ee ku howlan soo celinta iyo ilaalinta amaanka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: