Calendar

Wasiirka Gaashaandhiga oo tagay Jowhar

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya CabdiXakiin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa tagay magalada Jowhar oo shalaytoo ay qabsadeen dowlada.

Wafdiga la socda wasiirka waxa kamid ah a taliyaha ciidamada XDS, taliyaha howlgalka ciidamada AMISOM, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo kala duwan.

Wasiirka oo la hadlayay saxafada aya sheegay iney muhiimad badan ay leehdahay qabashada magalada Jowhar uu sheegay iney isku xerto koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Cabdi Xakiin Fiqi ayaa sheegay inuu jirey qorsho lagu qabanayay magalada Jowhar, waxana uu sheegaay inuu jiro qorsho kale oo lagu maamuli doono magalada Jowhar iyo goboladda kale ee dalka.

Ciidamo ka tirsan nabad sugida ayaa la geeyay magalada Jowhar, iyadoona la filayo qorshe barito lagu geynayo ciidamo boolis  si nabad galyada loo sugo.

Wasiirka Gaashaanddhiga Fiqi waxa uu sheegay in wasaaradiisa iyo wasaaradda arimaha gudaha ay iskala shaqeynayaan sidii amaanka gacanta looguu dhigi lahaa, maamulkane u shaqo bilaabi lahaa.

Dhinaca kalane, Cabdi Xakiin Fiqi waxa uu ka hadlay weerarkii dhaba galka ahaa ee kooxda Shabaab ay ku sameyeen kolonyo uu la socday oo kazoo laabanaysay magalada Marka, kaas uu sheegay iney bilabeyn qorsho ay uga hor istaagayaan.

Fiqi waxa uu xusay in ciidamo la geynayo wadooyinka aygalaan kooxda Al Shabaab si ay wadooyinka ay dhibaato aysasn ugu geysan isagoona xusay iney tahay qorshaha ay shabaab-ka ay sameyn karaa.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: