Calendar

Wasiirka warfaahinta oo dhalinyarada baaq-udiray sheegayna…

dhuxulowWasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo ka hadlayey maalinta Dhalinyarada Caalamka ee 12ka August ayaa ku nuuxnuuxsaday doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu yiri “Dhalinyaradu waa laf-dhabarka bulshada iyo Mustaqbalka Dalka.”
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u midoobaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen midnimadooda iyo u istaagida mustaqbalka Dalka.

“Maanta oo caalamka oo dhan ay xusayaan doorka dhalinyarada waxaa muhiim ah in dhalinyarada Soomaaliyeed si gaar ah loo xuso bacdamaa muddo rubuc qarni ah uu dalka ku soo jirey burbur, dagaalo iyo amni daro, taasoo keentay in dhalinyaradu ay intooda badan aysan helin waxbarasho kuna soo barbaareen dagaalo iyo collaado.

Waxaana hubaal ah mar haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursad inay door muhiim ah ka qaadan karaan nabadeynta dalka. Horey ayaan u soo aragnay oo 13kii dhalinyarada ee SYL waxey horseed u ahaayeen xornimadii, midnimadii iyo jiritaanka dalka.”

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii dhalinyarada loo dhiiri gelin lahaa oo ay doorkooda u noqon lahaa mid muuqda. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Khalid Cumar Cali ayaa in mudo ah waday wadatashiyo dhalinyarada lala yeelanayey oo laga qeybgalinayey sameynta Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka, oo muhiim u ah horumarka dhalinyarada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 4tii August 2014 ku dhawaaqay in Dowladdu ay si dhaqso leh u fulin doonto awoodsiinta dhalinyarada, barnaamijyo shaqo abuuris ah, xoojinta matalaada dhalinyarada ee goobaha bulshada rayidka, dowlada iyo siyaasada, Labo La-Taliye ee dhanka dhalinyarada ah oo uu Madaxweynahu u magacaabayo xafiiskiisa, da’da shaqsiyaadka u tartamaya jagooyinka doorasho ee siyaasada in laga dhigo 18 sano iyo hindiseyaal kale.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay inay si buuxda u taageeraan dhalinyarada oo ay ku dhiiri geliyaan inay waxqabasadaan oo waxaan si gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhalinyarada shaqo u abuuraan si ganacsigooda u xoogoobo isla markaana uu dhaqaalaha dalka kobco. Dowladdu wey ka go’antahay in Dhalinyarada Soomaaliyeed loo helo waxbarasho tayo leh iyo in si dhaqso leh loo dhaqangeliyo dhammaan hindiseyaasha uu Madaxweynaha soo bandhigay 4tii August.
DHAMMAAD –

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: