Calendar

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo DF ujeediyey talooyin amniga la xiriira

fiqiMuqdisho(Bartamaha) Wasiirkii hore ee  Gaashaandhigga xukuumadii uu hogaaminayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ugu baaqay madaxda sar sare ee  dowladda federaalka Soomaaliya iney la xisaabtanto Saraakiisha amniga si gacan bir ah loogu qabto amniga magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa daboolka ka qaaday iney masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya waajib ku tahay ineysan ka war wareegin dadka leh masuuliyadda goobaha ay wax ka dhacaan,wuxuuna farta ku fiiqay iney muhim in la helo isla xisaabtan.

Fiqi  ayaa talo kusiiyey masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iney wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho ay ku xiraan kaamarooyinka qarsoon si loola socdo dhaqdhaqaaqa kooxaha dhibaatada ka geysta magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay iney marar badan soo laalaabatay in goobaha faras magaalada ah dad barqo cad lagu toogto isla markaane ay baxsadaan kooxaha dilka geysta,wuxuuna  sheegay in  arintaasi looga gaashaaman karo in wadooyinka muhimka ah ee magaalada lagu xiro Kaamarooyinka Qarsoon.

 

 

 

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc