Calendar

Weerar lagu qaadey saldhig ciidamada booliska kenya ay kuleeyihiin xaafada islii iyo askar ku dhimatey

 

Fiidnimaddan caawa ayaa waxa uu qarax wayn ka dhacay aaga hore ee Saldhigga Bilayska ee xaafada Pangani oo ku dhow Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Qaraxaani ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo bixiyay miinooyin oo la doonayey in lagu qarxiyo Saldhiga ciidamda Bilayska ee bangaani,

Labo kamid ah bilayska ayaa galay gaariga si ay u baaraan, laakiin waxay ku geeriyoodeen qaraxa. Sidoo kale, labo qof oo aan ka fogeyn saldhigga ayaa iyagana ku geeriyootay qaraxaasi.

Qarax kale ayaa laga helay gudaha gaariga, kaasi oo si laga taxadirey loo qarxiyey.

Saldhigga Pangani ee qaraxa lala eegtey ayaa waxaa ku xiran dad Soomaali oo lagu soo qabtay Hawlgalkii raafka ahaa ee ciidamada Bilayska kawadeen Xaafadda Islii ee ay Soomaalidu dagan tahay.

Xaalladda ayaa caawa ah mid aad u kacsan, iyadoo Ciiddamo aad u fara badan la keeneyXaafadda Islii,

kuwaasi oo baadigoobaya dadkii ka dambeeyey qaraxa cawa dhacay , Qaraxan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka Kenya sheegeen inay adkeeyeen ammaanka, isla markaana ay dad badan xireen. Labadii Toddobaad ee ugu dambeeyey, Ciiddanka Ammaanka waxay gacanta ku dhigeen Kumanaan Soomaali si sharci- darro ah ku joogay dalka

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: