Published On: Thu, Dec 13th, 2012

Wenger Iyo Ku Xigeenkiisa Bould Oo Kala Dhantaalmay, Xilli Wenger Uu Taageero Dhaqaale Ka Helay Milkiilayaasha Arsenal

Share This
Tags

Sida lama filaanka aheyd ee Arsenal ay uga hartay koobka Carling Cup iyadoo ku baxday gacmaha kooxda heerka afaraad ee Bradford ayaa waxa ay keentay sida wargeyska The Sun uu qorayo kala qeybsanaan ka jirta qolka labiska ee Gunners.

Steve Bould ayaa xagaagii loo magacaabay tababare ku xigeen, waxaana bilowgii xilli ciyaareedkan loo arkayay magacaabis weyn markaasoo Arsenal shabaqeeda ay ilaashaneysay, laakiin wargeyska ayaa sheeganaya in xiriirka ka dhaxeeya daafacii hore iyo Wenger inuu haatan kala dhantaalmay.

Waxaa intaas sii dheer sida The Sun ay sheegeyso in ciyaartoyda ay ka careysan yihiin in lagu qasbo inay ciyaaraan kubad qurxoon oo aan laheyn dhameystir iyo natiijo.

Isagoo ka hadlaya xiriirka ka dhaxeeya Wenger iyo Bould, qof aan la magacaabin oo ay soo xiganeyso The Sun ayaa yiri: “Uma muuqato in xiriir sidaas ah uu ka dhaxeeyo labadoodaba.

“Waa ceeb sababtoo ah ciyaartoyda oo dhan waxa ay taageersan yihiin Wenger inkastoo natiijo xumo ay jirto, laakiin si la mid ah waxa ay dhamaantood ixtiraam u hayaan Bould. Waa xaalad adag.

“Bould waxa uu la shaqeeyay daafaca ka hor bilowgii xilli ciyaareedka laakiin tababar badan ma uusan siinin wixii intaas ka danbeeyay.

 

“Wenger ayaa koontaroola wax walba.”

Tababaraha Faransiiska ayaana u muuqda inuu ugu yaraan taageero ka helayo madaxda kooxda kuwaasoo lacag siin doona bisha Janaayo si uu ugu galo suuqa kala iibsiga, sida ay sheegeyso The Times.

Taageerayaasha Arsenal ayaa doonayaa in saxiixyo waa weyn la keeno kooxda bisha Janaayo si xilli ciyaareedkooda uu u soo noolaado, laakiin Arsenal ayaa isha ku heysa in amaah lix isbuuc ah ay ku soo qaataan Thierry Henry.

The Times ayaa sidoo kale sheegeysa in Arsene Wenger uu doonayo weeraryahanka Schalke Klaas-Jan Huntelaar, ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSV Kevin Strootman, iyo da’ yarka Crystal Palace Wilfried Zaha.

Waxa ay sidoo kale qiimeynayaan xaalada Luke Shaw daafaca bidix ee mustaqbalka leh ee kooxda Southampton.

Halka sidoo kale ay il gaar ah ku eegayaan goolhayaha Liverpool Reina.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";