Calendar

Wiil 16-jir ah oo Qurbaha uga Yimid in uu Is-qarxiyo

Dadweyne Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya Mudaharaad

Dadweyne Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya Mudaharaad


Waxaa VOA u suurta gashay in ay waraysi la yeelato mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tagay qurbaha ee ka qayb qaata falalka is qarxinta ah ee ay fuliyaan ururada diimeed ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Wiilkan oo 16 jir ah ayaa markii waraysiga lala yeelanayay waxaa uu ku sugnaa gobolada dhexe ee Somaaliya,waxaana uu waraysiga kaga xog-waramay sida uu Soomaaliya ku yimid iyo in uu tababro la xiriira is-qarxinta uu ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya.
Halkan ka dhagayso

Ujeedada uu dalka ugu soo laabtay ayaa waxa uu ku macneeyay in ahayd in  uu raaco talada dadkii ku booriyay in uu is-qarxiyo (oo uu ku sheegay in ay yihiin Al Shabaab) si uu Jannada u galo.

Bartilmaameedka uu ku socday ka hor intii aan la qaban ayaa ahayd Magaalada Hargeysa .

Arrintani ayaa timid iyada oo ay wadamada reer galbeedka ay tuhun badan ka muujiyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo dib ugu laabtay Soomaaliya.

Wadanka maraykanka ayaa waxaa ka socota baadhis lagu raadinayo cidda ka dambaysay dhalinyaro Soomaali ah oo haysta dhalashada maraykanka oo mid ka mid ahi uu isku qarxiyay gudaha Soomalia sanaddkii hore. 

Comments

comments

Category : Waraysi [ INTERVIEWS ] and tagged , .
« »

Comment: