Calendar

Xaafada heliwaa ee magalada muqdisho oo dagaal culus ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaeya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa alshabaab, dagaalka ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu sababay dhimashada qof shacab ah oo goobta ka ag dhawaa

Dagaalka oo dhacay Xalay, ayaa yimid kadib  markii Ciidamada  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isku fidiiyeen Xaafadda Cali Turcaaye ee Degmada Heliwaa, si ay usoo qabteen Xubno ka tirsan Kooxda Al shabaab oo Xaafadda ku sugan.

Qofka ku geeriyooday Dagaalka, ayaa ah Wiil 12 Sano  jira ah, waxaana  dadka  Xaafadda uu dagaalku ka dhacay ay sheegeen in Labada dhinac muddo ay is waydaarsanayeen Hubka Culus iyo kan Fudud.

“Waxaan kusoo buraarugnay Rasaas ay la socotay Duqeyn loo adeegsaday Hoobiyaasha iyo Baasuukiyaal (RPGs), iyadoo Dadka Deegaanka ay jiifeen, ma garan kareyn Khasaaraha Kuwa Dagaalamayay, balse Wiil Dadka Deegaanka ah ayaa ku dhintay kadib markii Xabado Wiifto ah haleeleen,” ayuu yiri mid kamid ah Dadka Degan Xaafadda Turcaaye.

Xaaladda ayaa Maanta deggan, waxaana Ciidamada DFS ay sameeyeen Saakay Howlgallo baaritaanno ah oo Amaanka lagu xaqiijinayo.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: