read more »">
Calendar

Xasan Sheekh iyo David Cameroon oo shir wada gudoominaya

Sida laga soo xigtey xafiiska ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska, shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ka dhici doona magalada London, bilowga Bisha May ee nagu soo fooda leh.

Shirka ayaa waxa si wada jir ah u wada gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David cameroon.

Waxa uu shirkaan daba socdaa mid horaantii sanadkii hore lagu qabtey magalada London oo madax sarsare oo caalamka ay iskugu yimaadeen, kaas oo looga hadlayay sidii Soomaaliya dib cagaheeda ugu soo istaagi laheed.

Barta Twitter-ka ay ku leehyihiin xafiiska Ra’isalw asaaraha Ingiriiska ayaa lagu sheegay in shirkaani uu daba socon doono shirkii sanadkii hore London ka qabsoomay oo guuli kusoo dhamaadey.

Dowlada Ingiriiska, hada waxa ay haysaa hogaanka wadamada dunida ugu dhaqaalaha badan ee G8-ka la isku yiraahdo, waxana ay kamid tahay 5-wadan ee golaha amaanka ee QM taas oo muuqaal wanaagsan siinaysa shirka arimaha soomaaliya looga hadlayo ee London ka qabsoomi doona.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: