read more »">
Calendar

Xasan Sheekh oo caalamka usoo jeediyay in la taageero dadka kunool deeganada Al-shabab laga saaray (sawirro)

Muqdisho_ Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskisa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Beeesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wufuuda ka socday beesha caalamka in gurmad deg dega lagaarsiiyo dadka kunool deeganada laga saaray ururka Al-shabaab.

Xasan Sheekh ayaa ku amaanay Hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga kaalinta ay kaqadatay sidii loo taageri lahaa dadka kabarakacay deeganada lagala wareegay Al-shabab waxaana uu soo jeediyay in la xoojiyo kaalmada ay ubaahan yihiin shacabku.

“Waa inaan tusnaa shacabka inaan la hilmaamin oo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin inay goobaha Al-Shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan. Shacabku waa inay rajo gashaa oo ay arkaan gar-gaar gaaray iyo mid u soo socda”

Madaxweynaha oo warbixin siinayey beesha caalamka oo ku aadan dadaalka dowladda ayaa yiri “Wasiiro baa booqday goobaha qaarkood, isla markaana gaarsiiyey mucaawano, waxeyna soo qiimeynayeen xaalada goobahaas iyagoo la tashiyo la sameynayey shacabka deegaanada la booqday. Wasiiradana waxey si joogta ah u aadayaan goobahaas oo ay shacabka la soo joogayaan, si loo hubiyo in shacabka ay helaan kaalmada ay u baahanyihiin iyo inay ka saacidaan dadka deegaanka inay sameystaan maamulo u adeega shacabka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ballan qaadeyso inay 3 million oo dollar ay soo gaarsiin doonto Wasaarada Arrimaha Gudhaha si ay ugu fuliso mashaariicda xasilinta dalka.

“Waxaan hambalyo u direynaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyey howlgaladii Al-Shabaab looga xorreynayey dalka. Holgalladan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo intii AMISOM ay ka howlgaleysey Soomaaliya, waxeyna fursad u tahay Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah ee AU Ambassador Annadif oo ka warbixinayey howlgalada AMISOM ayaa sheegay in Al Shabaab ay burburiyeen ceelashii iyo goobihii muhiimka ahaa, hase yeeshee ay AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliyeed ay dib u dayactiri doonaan ceelasha iyo goobahaas muhiimka u ah shacabka.

Madaxweynaha oo ka warbixinayey xasilinta Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii amniga ee caasimada uu meel fiican marayo oo la sameeyey xarun laga hago dhammaan arrimaha amniga oo howlgalada iyo xasilinta caasimada laga wado oo ay isagu jiraan ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan kuwooda Booliska.

Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Safiirada UN, AU, AU, EU, UK, Swedish iyo Norway.

unnamed unnamed-2 unnamed3 unnamed-13

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: