Calendar

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka madaxda Afrika [WARBIXIN]

Shirka Madaxda Afrika ayaa ka furmey magalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo hogaamiyaashu ay uga wada hadli doonaan xaaladaha wadamada Mali, Soomaaliya, Gongo, iyo arimo kale oo badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa markii ugu horeysay shirka ka qeyb galaya, isagoona khudbad ka jeediyey kulanka madaxda Afrika.

Madaxweynuhu, waxa uu si dheer uga hadlay isbadalada ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan dowlada cusub ee ka dhalatey, isagoona sheegay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatey saaxada caalamka.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa Soomaaliya oo maanta miiska idiin saran inay tahay dal idin-la siman oo aysan ahayn dal la isku tuur-tuuro. Waxaan ka mid ahayn aasaasayaashii ururkan weyn, Soomaaliya waa dhab ee riyo ma ahan oo maanta waa waddan booskiisii kusoo laabtay oo kursigiisa ku fadhiya,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha, waxa kale uu ka hadlay arimo ay ku jireen Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka dersika, dhaqaalaha, dhismaha nabadda, dhismaha ciidanka Soomaaliya iyo xiriirka caalamiga ah.

“Waxaan soo jeedin lahaa in sanadkan dhammaadkiisa aan sameyno guddu saddex geesood ah oo ka kooban wadamada deriska iyo hay’ada UNHCR oo ka shaqeeya sidii qoxootiga Soomaaliyeed.” ayuu ku yiri madaxweynaha khudbadiisa. “Dariskayaga qaaliga ahow waxaad sii dulqaadataan wax aad u yar”.

“Dawlada waxay diyaar u tahay inay kala shaqeyso hay’adaha iyo dawlaha sidii qoxootiga soo laabanaya loogu diyaarin lahaa jawi ku haboon inay ku soo laabtaan.” ayuu sii raaciyey.

Madaxweynaha oo wali ku sugan magalada Adis ababa waxa uu kulamo la qaadanayay hogaamiyaal ka tirsan kuwa Afrika oo ku jiraan madaxdada dalalka dalalka Equetorial Guinea,Tunisia,Kenya iyo Nayjeeriya isagoona sidoo kale la kulmey xog-hayaha guud ee QM ban ki-moon.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: