Calendar

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya oo digniin adag u diray dadka caadaystay dhibaataynta Haweenka Soomaaliyeed

axmed cali daahirMuqdisho(Bartamaha) Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa maanta digniin culus u jeediyay dadka caadeystay iney dhibaateeyaan Haweenka Soomaaliyeed,Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in xafiiskiisa lasoo gaarsiiyay qoraalo badan oo la xiriira kufsiga loo gaysto Hawdeenka Soomooliyeed.

Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay ii dad ku eedeeysnaa falal kufsi ah maxkamad lasoo saaray wuxuuna tilmaamay in qaarkood xabsiga la dhigay markii lagu helay iney kufsi u geysteen Haween Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay iney sidoo kale sii daayeen dad lagu waayey danbigii lagu soo eedeeyey,kuwaasoo sida uu sheegay uu xafiiskiisu u gudbiyay maxkamadaha dalka.

Wuxuuna dhanka kale sheegay iney jiraan Kiisas aan wax laga qaban  wuxuuna u sababeeyey arimo dhowr oo ay ka mid tahay in dhibanayaasha qaarkood ay qarsadaan kufsiga loo geystay iyo in mararka qaar ay qoysasku ka wada hadlaan dhibka Haweenka loo geysto   halkii sharciga loo bandhigi lahaa.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray dadka waxyeeleeya Haweenka Soomaaliyeed wuxuuna ku hanjabay in talaabo adag laga qaadi doono qofkii lagu helo inuu dhibaato u gaystay Haween Soomaaliyeed.

Wuxuu xeer ilaaliyuhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay meel qura uga soo wadajeestaan dambiilayaasha, kufsiga u gaysta Haweenka Soomaaliyeed.

 

Muqdisho Bartamaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc