Calendar

Xiddiga Iyo Macalinka Ugu Fiicnaa Bishii November Horyaalka Premier League

Tababaraha kooxda West Brom Steve Clarke iyo xiddiga Everton Marouane Fellaini ayaa loo magacaabay tababaraha ugu fiicnaa Premier League iyo ciyaaryahanka ugu fiicnaa Premier League bishii November.

Kooxda Clarke ayaa seddex kulan oo isku xigta laga badiyay, laakiin kaliya hal guuldarro uun ayaa ka soo gaartay bishii hore oo ay badiyeen afar kulan oo isku xigta.

Guushii ay ka gaareen Chelsea ayaa gaar ahaan aheyd mid indho qabad leh, waxaana West Brom ay ku jirtaa kaalinta lixaad iyagoo ay Clarke u tahay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda.

 

Dhanka kale Fellaini ayaa isna lagu sharfay ciyaaryahanka bisha November ee Premier League ka dib markii uu bishii hore afar gool u dhaliyay Everton.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured.
« »

Comment: