Calendar

Xildhibaanno ku hanjabay haddii mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha mooshin inay ka keenayaan guddoonka baarlamaanka

xildhibaan somalia - www.Bartamaha.comMuqdisho (Bartamaha) Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay inay mooshin ka keeni doonan guddoonka sare ee baarlamaanka haddii ay soo baxdo mooshin laga keeno xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli ay jiraan xildhibaanno qorsheynaya mooshin inay ka keenan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh balse tirada ugu badan ee xildhibaannada ayaa ah kuwa taageersan xukuumadda iyo Cabdiweli Sheekh.

Xildhibaanno u muuqda kuwo taageersan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay in haddii mooshin la keeno baarlamaanka uu sababi karo inay xil-dhibaannadu gacmaha iskula tagaan sidii horay u dhici jirtay oo kale.

“Waxaan halkan ka sheegayaa in haddii mooshin la keeni baarlamaanka ay xildhibaannadu gacmaha iskula tegi doonaan, waayo hadda baarlamaanku wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kuwii KMG ahaa oo mar walba haddii la keeno mooshin gacmaha iskula tegi jiray, balse mooshin hadda la keeno dib ayuu ugu celin doonaa baarlamaanka sida kuwii hore,” ayuu yiri xildhibaan Sanyare oo ka mid ah xildhibaannadii ka hadlay kulankan.

Kulankan oo dhacay shalay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xildhibaanno kale, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha ay ku wargelinayaan inuu ka digtoonaado in mooshin uu ka keeno ra’iisul wasaaraha, iyagoo xusay inay horay madaxweynaha uga dalbadeen inuu ka fiirsado mooshinnada is-daba-socda ee laga keenayo ra’iisul waasarayaasha.

Xildhibaannada ayaa xilligan ay kuwo kala taageersan ra’iisul wasaarah iyo madaxweynaha waxaana saameeyay khilafka labada mas’uul oo an wali wax hal ah laga gaarin.

__

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: