Calendar

Xildhibaano dalbaday iney xukuumada lasoo dhameystiro

 

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in lasoo dhameystiro golaha wasiiiradda Soomaaliya ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeeynin.

Xildhibaanaddan oo tiradooda ay gaarayso ilaa 30 xildhibaan ayaa waxa ay warqad ay arintaaws ku codsanayaan u gudbiyeen gudoomiyaha baarlamaanka Maxamued Cusmaan Jawaari.

 

Xildhibaan Xoosh Jibril oo la hadlayay saxafada waxa uu sheegay in dastuurka Soomaaliya uu qabo in baarlamaanka la horgeyo xukuumadda oo dhameystirin iyo howsheeda shaqo ee qaban doonto.

 

Xoosh Jibriil ayaa intaas ku daray iney arintaan kala jeedin iney khilaaf abuuraan waxana uu sheegay iney ilaalinayaan dastuurka oo sheegay iney tahay in isaga loo wada hogaasamo taasna ay hormar gaarsiin karto dalka.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ka jira guux aad u badan oo looga soo horjeedo xukuumadda. Qaar badan oo xildhibaanadda ayaa dhaliilaya inaan qabiiladooda lagu darin golaha wasiiradda.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: