Calendar

Xildhibaano Soomaaliyeed oo maanta gaaray Garowe

DSC06380-450x253Xildhibaanada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanada Puntland ayaa maanta soo gaaray caasimada Dowladda Puntland ee Garowe, Halkaas oo si balaaran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Xildhibaanada yimi maanta Magaalada Garoowe waxaa hogaaminayay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf,waxana ay tiro ahaan ahaayen lix Xildhibaan .

Markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaa soo dhawayn balaaran usameeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Xildhibaano,Sarakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Shacabka qaybahiisa kala duwan ee ku nool Magaalo madaxda Puntland garoowe.

Intaas ka dib ayaa wafdigaasi waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmed Cali Gaas.
‘’Sharaf weyn ayay ii tahay maanta inay igu soo booqdaan xarunta madaxtooyada Puntland wafdi ka socda Baaralamanka Soomaliya gaar ahaan xubnihi matalayay dowladda Puntland ‘’Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Xildhibaanada uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen baaqii uu ugu yeerayay xildhibaanada Puntland ugu jira Dowladda Fadaralka Soomaaliya .

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo iyana si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa kamahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Dalka Puntland oo ay deegaan ahaan ka soo jeedaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: