Calendar

Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay Aqalka Senate-ka iyo isbadalka siyaasadeed ee Marekanka (Warbixin)

Republicans Win Senate - Bartamaha

Washington, DC (Bartamaha) Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqalka Senate-ka Maraykanka kaddib markii uu helay kuraasta uu u baahnaa si ay ula wareeggo aqlabiyadda aqalka Senate-ka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kuraasta senate-ka ee gobollada South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Mitch McConnell oo dib loo soo doortay gobolka Kentucy, ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xisbiga Jamhuuriga oo horey u maamullayay aqalka hoose ee Congress-ka, ayaa wuxuu sidoo kale balaariyay kuraasta uu ku leeyahay aqalkaasi.

Xisbiga Jamhuuriga oo haatan maamulli doona labada aqal, ayaa awood u yeellan doona inay madaxweyne Obama ka hor istaagaan siyaasaddahiisa labada sanno ee uga dhiman xilka madaxtinimada.

Dhinaca Dimuquraadiyiintu waxey guul weyn ka gaareen Gobolka New Hampshire oo ay ku soo baxday Senator Jeanne Shaheen.

Labada xisbi siyaasadeed ee Mareykanka ugu waaweyn ayaa malaayiin dollar oo ka badan lacagtii horay loogu bixin jiray ololaha doorashada dhexe ku bixiyay loolanka adag ee ay ugu jiraan kuraasta aqalka senate-ka gaar ahaan kan gobolka Iowa.

In kasta oo aanu doorashadan dhexe u sharaxneyn, ayaa haddana dadka intiisa badan waxa ay u arkaan mid tusaale u ah waxqabadka madaxweyne Barack Obama,

Taariikhduna waxa ay na bareysaa in doorashada dhexe ee Mareykanka uu guul ka gaaro xisbiga mucaaradka ah.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Dimuquraadiyiintu ay wajahayaan tartankii ugu adkaa tan iyo 1958dii, markii Jamhuuriyiinta looga hormaray kuraasta Senateka, xilligaas oo uu Madaxweyne dalkan ka ahaa Eisenhower.

In kasta oo aan si dhab ah loo hubin isbedelka siyaasadeed ee ka dhalan kara haddii xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga uu gacanta ku dhigo labada aqal ee uu ka kooban yahay Congress-ka Mareykanka.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: