Calendar

Xizbul Islaam oo siminaar u soo xertay Odayaasha dhaqanka Muqdisho.

Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul ayaa maanta siminaar u soo afmeeray qaar ka mida Waxgaradka Magaalada Muqdisho oo maalmahan siminaar shareecada ka hadlaya uu Muqdisho uga socday.

Siminaarka oo ay bixinayeen Saraakiil Xizbul Islaam ka tirsan ayaa waxa lagu baranayay shareecada Islaamka iyo dhaqanka wanagsan ayaa maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Sheekh Salmaan Sahal Muuse oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay ku faraxsanyihiin Siminaarka ay siiyeen Odayaasha dhaqanka.

Siminaarka Xizbul Islaam ay siisay Odayaasha dhaqanka Beelaha Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaanahan ay wadeen qorshayaal ay ku dhexgalayaan Culimada iyo Waxgaradka Muqdisho ku sugan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: