Calendar

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah la Qaatay illaa 25 Xildhibaan oo Ka Soo Jeeda Puntland

Hassan Sheikh - www.Bartamaha.com

Muqdisho (Bartamaha)  Iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayon in khilaafka u dhexeeya raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana dhinaca ay socdaan mooshino iska horjeeda ayaa xalay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kulan la qaatay illaa 25 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka federaalka kana soo jeeda Puntland.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha ayaa la sheegay in kulankoodu uu ahaa mid irdaha loo laabtay, oo aan loo ogoleyn in wax saxaafad ah ama cid aan ka mid ahayn dadkii la casumay ay ka soo qeybgalaan.

Xubno ka mid ah dadkii ka qeybgalay kulanka oo Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in madaxweynaha iyo iyaga ay ka wada hadlee mooshinka socda ee la doonayo in raysal wasaaraha booska looga qaado, si loo soo dhiso xukuumad cusub.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay xildhibaanada ka soo jeeda Puntland inuu doonayo in raysal wasaarihiisa saddexaad uu ka soo xuli doono Puntland, isla markaana hadda uu u baahan yahay taageerada baarlamaanka oo ah meesha kaliya ee maxkamada ah ee arrinta ka dhexeysa madaxweynaha iyo raysal wasaaraha loo soo afjaro.

Kulankan ayaa wuxuu ka soo horjeedaa kulan kale oo shalay xildhibaano isugu jira gobollada kala duwan ee dalka ay ku yeesheen Muqdisho iyagoo taageeray mowqifka raysal wasaaraha.

Dhinaca kale tiro aan la cayimin oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa wada mooshin ay ku doonayaan inay ku jebiyaan mooshinka looga horjeedo raysal wasaaraha ee ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha.

____

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: