Calendar

Xukuumada oo doonaysa in cadaaladda la hormariyo

Xukuumada Soomaaliya oo kulankoodii todobaadlaha shalayto ku yeelanayay magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen sida cadaaladda kor loogu qaadi karo.

Waxa ay ka doodeen wasiiradda sidii loo hormarin lahaa xabsiyadda isla markaane tayaada maxkamadaha kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo la hadlayay saaxafada ayaa u sheegay in wasiirrada ay isku raaceen horumarinta maxaabiista, isla markaana sidii loo dar-dargaliyo maxkamadaha si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan caddaalad,

Ciil Mooge ayaa xusay iney dadka ay helayaan fursado ay ku qabsan karaan qareeno u doona si cadaalad siman loo wada helo.

Xukuumadda ayaa waxa horyaalo arimo badan oo ay adag tahay in mar qura la wada qabto taas oo isku dayayso iney wax badan ay ka qabato, iyadoona amaanka, cadaaladda iyo hormarka ay yihiin muhiimaddaha gaarka ah ee haatan ay eegayaan iney wax ka qabtaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: