Calendar

Xukuumada Somalia oo xirtay safaarado

beyleBARTAMAHA –  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Wasaaradu ay Xirtay ilaa Shan Safaaradood oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku laheyd Dalalka Caalamka.

Waxaana ka mid ah Wadamadaasi Germany iyo Burundi,iyadoona sidoo kale la soo Koobay Shaqaalaha Safaaradaha ka shaqeeya oo Diradooda laga dhigay ilaa saddex Ruux,iyadoona Safaaradaha Soomaaliya ay Caalamka ku leedahayna laga dhigay ilaa 31 Safaaradood.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in arrintaan ay ka danbeeysay Dhaqaalo yari Dowladda Federaalka Soomaaliya soo foodsaaray,taasna ay Garawsatay  Wasaarada in ay dib u habeeyn ku sameeyso Safaaradaha Soomaaliyeed ee Caalamka ku yaala.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Safaaradaha Soomaaliya ay yihiin Wajigii Soomaaliya,ilaa Dib u habeeyn lagu sameeyo oo la Tayeeyana aysan Wasaaradu ka seexan Doonin.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: