Calendar

Xukuumadda oo isku raacday Miisaaniyada Sanadka 2013 [SAWIRO]

Isniin, 03, Dec, 2012…Shir ay maanta isugu yimmaaddeen Golaha Wasiirada oo uu gudoominayey  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka.

Golaha wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta,  taas oo maanta sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho iyo gobolada dalkuba.

Ugu horrayntii Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013ka, taas oo aad uga badan Miisaaniyaddii ka horaysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dawladda. Ugu dambeyntiina markii la isla eegay,  waxaa  golaha wasiiradu ah ku ansixiyeen Miisaaniyada cod aqlabiyad ah, iyadoo la hor gayn doonaa Golaha Baarlamaanka.

Waxa kale oo Golaha Wasiirradu isku raacay in la joojiyo lacagaha qaababka kala duwan loogu qaado Dekedda Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggol yahay in Dekedda Dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay Cashuurta Dawladda Dhexe.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa Hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Roma iyo New York, iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyey dhismayaasha safaaradahaasi. Dooddii golaha ka dib, waxa la go’aamiyey in la magacaabo guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi. Guddiga waxa hoggaamin doona Ra’iisal Wasaare Kun Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa sheegay in dowladda cusub  siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo saxaafada la hadlay ayaa aad ugu amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid”  wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas, isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal waara looga gaaro colaaddaas.

SAWIRADDA SHIRKA WASIIRADDA

[slidepress gallery='xukuumadda-oo-isku-raacday-miisaaniyada-sanadka-2013']


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: