Calendar

Xukuumadda Soomaaliya: Maamul u sameynta Gobollada dalka Rabitaanka Shacabka ayaa sal u’ah

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo boqolaal Shacab ah kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka bay ayaa sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka laga amba qaadi doono Rabitaanka Shacabka wadatashi kadibna ay Imaaneyso.

Wasiirka oo isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo booqasho ay ku tageen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa shacabka Magaaladaasi baydhabo u sheegay in ay ugu yimaadeen in ay U xooraansadaan Rabitaankooda iyo qabka ay u doonayaan Maamulka Gobolkaasi isagoo carabka ku dhuftay in Maamul leh kalsoonida dadka Degan Gobolkaasi un ay Xukuumadda Soo Magacaabi doonto.

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo  Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan Kulan ay yeesheen Golaha Xukuumadda waxaa si KMG ag loogu xilsaaray in ay soo dhisto Maamulada Deegaanada iyo Degmooyinka dowladdu ay kala wareegtay Ururka Al Shabaab

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: