Calendar

Xuska 21-ka Oktoobar, soo if-bixii iyo dhicitaankii kacaankii 21-ka Oktoobar (Dhagaysi)

siad barreAnnagoo xusayna sanad guurada xuska 21ka Oktoobar ayaa waxaan idiin soo gudbinaynaa barnaamij aad loo soo hagaajiyay oo ay soo saareen raadiyaha VOA-da.

Iyadoo 4 qeyb ahna halkaan ka dhagaysta

Dhegayso Qeybta Koowaad
WM | 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhegayso Qeybta Labaad
WM | 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhegayso Qeybta Sadexaad
WM | 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhegayso Qeybta Afraad
WM | 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Iyadoo faahfaahsanna waatan hoos ku qoran

Xigasho: VOA SOMALI
_______

Barnaamijyadan oo ka kooban afar qeybood ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsanaa dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Sareeya Gaas Maxamed Siyaad Barre, iyo waliba dad kale oo goob joog ka ahaa xilligii uu kacaanku dhashay ilaa bur-burkii ku yimid dowladaasi.


Qeybta koowaad waxaad ku maqli doontaan qaabkii uu u dhacay afgambigii uusan dhiigu ku daadan iyo sidii loo qorsheeyay. 21-kii bishii October 1969-kii oo ku beegnayd maalin Talaada ah ayaa ciidamadii Militariga iyo kuwii Boliiska oo iskaashayanaya ay la wareegeen dhismayaashii dowlada oo ay ku jirto Radio Muqdisho iyo xarrumaha muhiimka ah ee dawladda.

Qeybta labaad waxay ka hadlaysaa hirgelintii af-Soomaaliga oo lagu tilmaamo inay ahayd guushii ugu weynayd ee Kanaanka 21-ka Oktoobar hantay iyo caqabadihii ka horyimid dowladii militariga oo ay ka mid ahayd qabqabashadii saraakiisha uu ka mid ahaa Salaad Gabayre iyo dilkii culimada ee sannadkii 1975-tii. Waxaa kaloo dhibaato weyn uga timid dawladdaasi dagaalkii ay la gashay dawladda Itoobiya sannadkii 1977, dagaalkaasi oo lagu jebiyey ciidanka Soomaaliya.

Qeybta sadexaad waxaad ku maqli doontaa bilowgii jabhadihii mucaaradka iyo sidii ay ku dhasheen. Kadib markii ciidamada Soomaaliya lagu soo jebiyey dagaalkii 1997 ayaa koox saraakiil ah ay isku dayeen inay afgambi xukunka kaga tuuraan madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Afgambigaasi waa uu fashilmay, balse waxaa uu horseeday aasaaskii mucaaradadda hubaysan ee lagala soo horjeestay Kacaankii 21-ka Oktoobar.

Qeybta afraad waxaad ku maqli doontaa shaqsiyaddii Maxamed Siyaad Barre. Saraakiisha ka tirsanana jiray Kacaanka 21-ka Oktoobar iyo xubnihii la soo shaqeeyey waxay si weyn u difaaceen shaqsiyaddii iyo waddaninimadii Madaxweyne Maxamed Siaad Barre. Dhinaca kalena, xubnihii ku jiray ururrada mucaaradka ayaa si weyn u weeraray qaabkii xukunkiisa iyo inay saareen mas’uuliyadda dhibaatooyinka waddanka ka dhacay badankeed.

Comments

comments

Category : The Story.
« »

Comment: