Calendar

Aas loogu sameeyay Beledwayne Gudoomiye ku xigeenka maxkamadda gobolka ee la toogtay

Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tilmaamay iney adkayn doonaan amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo xalay lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii labaad ee maxkamadda magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka ka qaybgalayey aas maanta Beledweyne loogu sameeyey Alla ha u naxariistee gudoomiye ku xigeenkii maxkamadda Beledweyne Macalin Xasan Cilmi Ciyow oo kooxo hubaysan ay xalay bartamaha magaalada Beledweyne ku dileen ayaa ku tilmaamay  kooxihii dilay Macalin Xasan iney yihiin kuwo wuxuush ah.

Cabdi Faarax Laqanyo gudoomiyaha gobolka Hiiaan ayaa sheegay in dilkaasi uu yahay mid arxan darro ah oo muujinaya Cadowtooyada ay slahabaab u qabaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna Alle uga baryey inuu Marxuumka Jannadii ka waraabiyo Samir iyo Iimaane uu kasiiyo Eheladiisa,Asxaabtiisii iyo guud ahaan bulshada reer Hiiraan ee uu ka baxay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: