Calendar

Al-Fanaan Xuseen Shire Jama oo soo saaray hees la yiraahdo ” Odey Duq ah” taasi oo ah qiso jaceyl.

xuseenshire

Abwaan Xuseen Shire Jama islamarkaana ka mid ah Fanaaniinta loogu jecel yahay fankooda ayaa maalinkasta waxa uu soo saaraa heeso bulshada dhexdeeda saameyn ku leh, waxaana uu iminka miiska fanka soo saaray heestii sii ugu danbeysay oo uu u bixiyey ODEY DUQ AH waxaana heestan ay xambaarsan tahay sheeko dhab ah oo uu abwaanka heestan ka sameeyey.

Sida ay bulshada Soomaaliyeed la socdeen waxaa baryahan iska jiray jaceylka qurba ee aan indha laheyn,iyaddo gabadhi ay iska guursaneyso Odey waayeel ah halka wiil yarna oo africa joogana uu iska guursanayo qof dumarka oo waayeel ah balse joogta wadamadan horumaray ee  reer Galbeedka.

Haddaba qisada heestan ayaa waxay ku saabsan tahay  gabar soomaliyeed oo jirta 17 sano  kuna  nool dalka Kenya iyo Odey soomaaliyeed oo isagana degan cariga Qurbahan horumaray oo ay soomalida oo dhan wada jecel yihiin. Waxaana dhacday in gabadhaasi yar fariimaha la isugu diro telefoonka gacanta “Mobile” ugu soo dirtay Odeygaasi oo aysan aqoon isku laheyn,waxaana fariinteeda ay ku tiri gabadhaasi :

“Xubi waan ku jeclahay , Adiga ayaan dunida kaa rabaa,Waxaan dhowrayaa jaceyl aad ila wadaagto, Ma jiro qof aan kula simo oo aan dunida ku ogahay ee macaanow jaceylkeyga ila qabo” waxaa sidaasi soo qorey gabadhaasi 17 sano jirka ah ee joogta Kenya,waxaana loo soo diray odeyga duqa ah ee degan qurbahan reer Galbeedka.

Odeygaasi oo ka yaaban inay jaceyl u qaadeyso gabar yar oo joogta africa islamarkaana aysan is aqoon ayaa waxaa kusoo dhacay maskaxdiisa su’aalo badan,kuwaasi oo ay ugu horeyso sida gabadh yar u rabto Odey ay dadii kadaba timid islamarkaana aan maanta joogin waqti uu hulado gabaryar. Waxaa dhinaca kale maskaxdiisa kusoo dhacday arrin kale oo ah inay gabdhan rabto qurbaha oo aysan isaga rabin iyo fikrado kale oo badan.

Waxa ay doodaasi socoto waxay markii danbe arrinta soo gaartay Abwaan/Fanaan Xuseen Shire Jama oo ay saaxiibo yihiin odeyga ay qisadan ku dhacday,waxaana looga sheekeeyey arrinta jirta iyo sida uu wax uga dhihi lahaa. Abwaanka Xuseen Shire Jama oo aan qadka telefoonka kula xiriiray isaga oo jooga UK ayaan waxa uu  iiga sheekeyey sida ay heestan ku timid waxa uuna yiri:

” Waxaa horey usoo arki jiray Odayaal gabadha yaryar iyaga raadsada islamarkaana ka doona cidahooda,sidoo kalana ku bixiya wax alle iyo wixii ay heystaan,Laakiin mid taasi ka duwan ayaan iminka arkay oo waxaan isoo gaartay Odey soomaaliyeed oo diidan jaceyl uga yimid gabaryar oo Kenya ku nool taasi oo rabta inay odeyga jaceyl iyo guur la wadaagto,Balse odeyga waxa uu ku cabanayaa inuu yahay nin itaalbeelay oo aan iminka gabadha awood u heyn iyo inuu fahmi waayey ujeedka gabadha uga soo leexatay gayaanka filkeed ah oo ay isaga oo qaarad kale jooga ula soo doonatay jaceylka” ayuu yiri Abwaan Xuseen shire isagoo sii hadlayana waxaa uu intaasi raaciyey ,

” Markii xaalka halkaasi marayo ayaan sameeyey heesta ODEY DUQ AH oo aan isaga dhigayo odeyga la soo jeclaaday,Waxaana heesta qeybta hore ku sheegayaa in gabadha fariinta ay soo dirtay odeyga soo gaartay islamarkana uu fahmay in jaceyl uu hayo,balse waxa uu sii daba dhigayaa shaki uu gelinayo waxa ay sheegeyso” waxaana ka mid ah erayadaasi:

Dhambaalkaad soo dirtiyo
warqadahaa daabacdaa
Dabeyluhu ay sideenoo
dhaqsey degdeg iigu timidee.

Markaan Daalacay an eegay
Inuu damac kugu jiroo
jaceyl uu ku daashadoo
La daristoo uu ku helay
Durbaba waa anigaa gartee.

Anoo kugu digan adiga
Dooqana uu yahay wax jira
Da’daaduu way ida yartoo
Waxaan ahay OODEY DUQEE
” oxooxooxo “

Dal dheerna waa iga jirtaa
Dooqaagana  waana noqdee
Anooba ku diidaheeyn
Dadkaba kaama aqaanee
Sidee kaga diir naxaa

Qeybta kale ee heesta ayuu Abwaanka waxa uu ku cabirayaa talooyin uu odeyga bixinayo islamarkaana uu siinayo gabadhaasi yar ee jeclaatay odey waayeel ah oo aan hadana aqoon u laheyn sidoo kalana aysan isku meel joogin,Waxaan sidoo kale qeybtan uu ku leeyahay odeyga inuu yahay qof waayeel ah oo aan itaalkii dhalinyaranimaddiisii aan laheyn,taasi badelkeedana gabadha inay isku daydo ka laabasho jaceylka ay odeyga u qaaday. Sida ka muuqata heesta waxay meesha ka saareysa dhaqankii laga filan jiray odey soomaaliyeed oo isaga oo la soo dalban raadsan jiray gabdhaha yaryar.Waxaa ka mid ah qeybta kale ee heesta :

Daruusta aan ku dhigoo
Dardaaran ku waaniyee
Daruufi haddii aynan jirin
Dib uga fiirsan ku iri

Haddaan shalay diric ahaa
Dadkana ugu xoogbadnaa
Xubnaha waa kuway i debcoo

Anoo kugu digan adiga
Dooqana uu yahay wax jira
Da’daaduu way ida yartoo
Waxaan ahay OODEY DUQEE
“oxooxooxo “

Dal dheerna waa iga jirtaa
Dooqaagana  waana noqdee
Anooba ku diidaheeyn
Dadkaba kaama aqaanee
Sidee kaga diir naxaa

Abwaan Xuseen Shire Jama oo ka mid ah baalasha kooxda Qaylodhaan ee ka dhisan wadanka UK balse laamo badan iminka ku yeelatay wadamada Aduunka ayaa waxa uu noqonayaa abwaan tilmaansada boogaha bulshada ee u baahan in heeso laga sameeyo,Waxaana heestan ay iftiin u tahay isbadelada baryahan ku dhacay nolosheeda,iyaddo ay ugu horeyso laba qof oo aan isku fil aheyn oo hadana is arag oo la yiraahdo waa is jecel yihiin kadibna la maqlo waa kala tageen. Taasina waxay qeyb ka qaadataa burburka badan ee ummada soomaaliyeed baryahan ku dhex jira.

Heestan sida uu Abwaanku sheegay waa qiso dhab ah oo dhexmartay Odey soomaaliyeed iyo gabar yar oo kala nool Kenya iyo wadamadan Reer Galbeedka.

Haddaba waxaan idin ka tagayaa waa codkii macaanaa iyo Alifaadii Abwaanka suugaan dhaadhiga ah Xuseen Shire Jama oo hadda noqday horumuudka Fanka Soomaaliya.

Daawasho Wacan :

http://www.youtube.com/watch?v=4OR7FFq9Nig

Qofkii raba inuu heestan wax badan ka ogaado Abwaaan/Fanaan Xuseen Shire ha kala xiriiro.

Emailka Fananka :  [email protected]

Abdiweli Ibrahim Aden “Garyare”

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: