Calendar

Al-shabaab oo Toban ruux u qabtay iney bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar

Al-Shabaab fightersDiinsoor(Bartamaha) Wararka ka imaanaya degmooyinka Diinsoor  iyo Baardheere ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in AL-shabaab ay xirxireen 10 ruux oo ay ku eedeeyeen iney wax ka ogaayeen duqayntii Cirka ee lagu dilay sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qabqabteen ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil dhanka Sirdoonka ah oo ka tirsan Al-shabaab iyo dad shacab ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay ka mid yihiin rag ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab oo lala xiriirinayo iney bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar oo ka tirsanaa saraakiisha amniyaadka Al-shabaab.

Markii habeen hore ay dhacday duqaynta cirka ah lala beegsaday  Sarkaalka lagu magacaabo Aadan Garaar Al-shabaab ayaa bilaabay hawlgallo ay ku xirxireen dad badan oo ay ku eedeeyeen iney gacan siinayaan Sirdoonka Maryakanka isla markaane ay bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar.

 

Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc