read more »">

Calendar

Alshabaab oo sheegtay inay 25 qof ku dishay weerarkii maantay ka dhacay magaalada Beledweyne

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerar is qarxin ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta ay la eegteen Ciidamo wada jir ahaa oo isugu jira Itoobiyaan, Jabuutiyaan iyo Ciidamada dowladda.

Sarkaalka oo la hadlay Idaacada Al-Andulus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidankooda oo Istish-haadi ahaa uu howl galka fuliyay, kuna dilay ilaa 20-meeyo askar iyo saraakiil isugu jirtay.

“Camaliyad istish-haadi ah oo uu fuliyay walaal mujaahidiinta ka tirsan ayaa Bariga B/weyne lagula eegtay cadawga oo wadajira waxaan muslimiintu u sheegaynaa in 13 askari Itoobiyaan ah ka mid yihiin cadawga ku hoobtay weerarkii maanta waxaa kale oo khasaara xoogan gaaray maleeshiyaadka Jabuutiyaanka”ayuu yiri Sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada Andulus.

Qasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa wali isa soo taraya, iyadoo dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan ilaa 33-ruux, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Beledweyn oo xilligan laga soo sheegayo daawo la’aan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: