Calendar

AMISOM oo sheegtay inay buuxin doonaan goobihii ay Itoobiya ciidamadeedu ka baxeen

sarakTaliska Ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay inay la socdaan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya goobo kamid ah gobolka Bay isla markaana ay buuxin doonaan kaalinta sugida ammaanka ciidamada AMISOM.

Col. Cali Aadan Xumad oo ah Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in ay horay ula socdeen ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ayna ahayd mid lasii qorsheeyay.

Waxaa uu sheegay in markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen magaalada Xudur kal hore iyadoon cidna lagala tashan intaasi ay keentay Alshabaab inay dib ula wareegaan dedmadaas oo ay dhibaateeyaan shacabkii halkaas ku noolaa.

Waxaana afhayeen uu sheegay in qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo uu dhaawac fududi kasoo gaaray labo askari oo ka tirsan ciidankooda.]

Shalay ayaa magalaada Kismaayo qarax lagula eegtay ciidamada Kenyaanka ah ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: