Calendar

Ardeyda soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay

DSC00962

Bartamaha..(Kuala Lumpur-Malaysia):-Barnaamij loogu magac daray “Umatic week”oo micnihiisuna yahay iney ku soo bandhigaan ardeyda hidaha iyo dhaqan ay leeyihiin dowlad waliba oo islaam ah ayaa waxaa lagu qabtey jaamacada islaamka ee ku taala caasimadda kuala lumpur ee dalka malaysia.

Barnaamijkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatey 38 dowladood oo ay ku jirto soomaaliya , waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen dowlad waliba hidaha iyo dhaqankooda sida cunada, cayaarta iyo qaabka ay u dhisteen guryahooda, dadweyne aad u fara badan ayaa goobta uu barnaamijka ka dhacaayey u soo daawasho tagay ayadoo ay ka mid ahaayeen kor meerayaal ka soo socdey jaamacado ku yaala dalka mareykanka ahna macalimin wax ka dhigta jaamacadaha ku yaala wadanka mareykanka , safiiro fadhigoodu yahay wadankan malaysia waxaa kaloo ku wehliyey hormuumka jaamacada islaamka ee malaysia.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhisteen goobtaasi AQAL HOORI aad u qurux badan kaasoo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii goobtaasi yimid sidoo kale waxey halkaasi ku soo bandhigeen cunada ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin soomaaliya sida oodkaca canjeelada iwm, waxaana ka marneyn dhaantada oo ay u ciyaarayeen dhalinyaro si aad ah iskula bartey cayaarta dhaantada kuwaasoo waxa ka barta jaamacadaha ku yaala dalkaan malaysia, waxey kaloo soomaaliya soo bandhigeen alaabta hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihin, sawiro muujinaya aqoonyahano caan ka ah dalka soomaaliya si ay u baraan ajaanibta kale oo aan aqoon u laheyn dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Gudiga ardeyda soomaaliyeed ee malaysia oo uu hor kacaayey gudoomiyaha ardeyda Mudane C/salaam Maxamuud ayaa isku howley sidii ay u gaarsiin lahaayeen barashada hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay ajaaniibta wax ka barata jaamacada islaamka ayadoo guud ahaan jaamacadana ay dhigtaan ajaaniib fara badan oo ay kala imaadeen 105 dowladood tirada ardeydana tahay 48 kun.

Jaamacda islaamka ayaa tirada ugu badan ardeyda soomaaliyeed dhigata ayadoo lagu qiyaasey 220 ardey halka guud ahaan tirada ardeyda wax ka barata dalka malayshiya ay gaareyso 3000.

Ugu danbeyntii barnaamijkaasi oo socday todobo maalmood ayaa xiritaankiisa waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyey dhamaan dowlidhii ka qeyb qaatay ayadoo ujeedada ka danbeysa barnaamijkaasi sanadlaha ahna tahay sidii ay isku baran lahaayeen ardeyda waxa ka barata jaamacada islaamka watana hidaha dhaqanka kala duwan ay liihiin dal waliba.

Said Omar Baaffo

Kuala lumpur-Malaysia

[email protected]

Sawiro Dheeraad ah halkan ka daawo.

IMGP4774

2

DSC01025

1

IMG_7588

DSC00962

DSC00977

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: