Calendar

Askar loo xiray baxsashada nin Keenyaati ah oo ka tirsanaa Alshabaab

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Askar ka tirsan dowladda lagu xiray, markii uu ka baxsaday Nin Kenyan ahaa oo ka tirsanaa Ururka al-Shabaab.

Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gedo ayaa u sheegay warbaahinta in askarta loo heysto baxsashada ninka Kenyanka ahaa.

“Dhowr Askari ayaa u xiran baxsashada nin Kenyan ahaa oo ka tirsan Shabaab, waxaa socda baaritaan, kuwa xiran waa askartii ilaalineysay ninkaas oo Shabaab ahaa”ayuu yiri Warfaa.

Col. Warfaa ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in askarta ay sii daayeen, balse ay wadaan baaritaan, iyadoo ciidamada dowladda ay baadigoob ugu jiraan ninkaas ka baxsaday sida uu yiri.

Ninkan Kenyanka ah ayaa la sheegay in horay looga qabtay degmada Garbahaarey, kamana mid aheyn ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka iyo Gedo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay dhalinyaro ka qoranayeen gudaha Kenya, kuwaasoo tababaro ku qaadanayay gudaha Soomaaliya, qeybna ka ahaa dagaalada Al-Shabaab ka wadaan gobolada dalka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: