Calendar

Askarta Dowlada Fd soomaaliya ayaa maanta dil u gaystay Saddex Dhalinyara ah Degmada Dahrkenley Ee Muqdisho taasi oo xiisad culus ka abuurtay Deegaankaasi.

Bartamaha(Muqdisho:-Ciidamadii dhawaan la geeyay Degamada Dharkenley Ee Muqdisho ayaa manta toogasho ku dilay dhalinyaro can ka ahayd Degmadaasi iyadoo ay arintaasi Xisan colaadeed abuurtay.

Askartan oo ka amarqaadatay dowlada Fd soomalaiya ayaa Maanta duhurnimadii waxa ay gacabta ku soo dhigeen ilaa Saddex Wiil oo dhalinyara xaafadeed ahaa kuwaasi oo ay sheegeen in ay ammaandaro qorshaynayeen.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegayaa in ay in mudda ah dhlinyaradaasi ay ku garaacayeen Qoryaha ay wateen iyadoo in mudda ah ka dib ay ciidamadii rasaas ay madax kaga wada dhifteen dhalinyaradii ay qabteen iyadoo ay soo dhigeen wadada laamiga ah oo bulshadu ay isticmaalaysay.

Wiilasha Dhalinyarada ah ee toogashada bareerka ah loo gaystay ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen dhalinta xaafadaasi kuwaasi oo la sheegayo in aanay lug ku lahayn dhinacyada isdiidan ee dalka.

Maydka ayaa la sheegayaa in ay dadka deegaanka ay wada garteen iyadoo ay duqowada deegaanka isku dayeen in ay maydka wadada ka soo qaadaan taasi oo ay diideen Ciidamadii dilka u gaystay oo ku sheegay raggan ay dileen kuwa qarax subaxdii hore loo gaystay fuliyeen.

Xaalada deegaanka ayaa si weyn u kacday ka dib markii hooyada dhashay mid ka mid ah Dhalinyarada la dilay lana diiday in la aaso ay goobtii timid ka dibna ay isku heeb noqdeen qaar ka mida ciidamada deegaankaasi horay u joogay isla markasina ay haatan kuwa dilka gaystay ay soo dul dageen.

Abbaabul xoog leh oo Hubaysan ayaa goobtii ka dhacay iyadoo ciidamada Maleeshiyaadka ah ee deegaanka iyo raggii Askarta aha ee dowlada ay xaaladu dhexdooda ka tafantay .

Galinkii danbe ee galabta ayaa weerar aan dhiig ku daadan waxaa lagu qaaday maydadka dhalinyarada Saddexda ah ee la dilay manta kuwaasi oo ay toogteen ciidamada dowlada ee dagay Dharkenley ka dib markii ay amreen in la dilo saraakiishii askartaasi wadatay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: