Author Archives: Garyare

Ururka HIRDA Ayaa Tababar Soconaya Mudo Shan Maalmood ah Uga Furay Macalimiin Wax Ka Dhiga Dugsiyada Kala Duwan Ee Magaalada Muqdisho

Ururka HIRDA ayaa tababar siminaar ah oo soconaya mudo  shan cisho ah u furay afartan (40) macalin oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee magaalada muqdisho kuwaasoo ay kobcinaysay dhinaca garaadka iyo waxbarista ardayda kala duwan gobolka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Mahiga oo afka kala furtay shegayna in Ra’iisal wasaaruhu isagaa u ku qanacsanaa is-casilaadiisa

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa u sheegay idaacadda BBC inuu Warbaahinta ka maqlay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku diiday inuu isku casilo. Mahiga ayaa wareysiga BBC waxa uu ku sheegay in Raíisul … read more »

Posted in Wararka Maanta | 1 Comment

Golaha Wasiirada oo manta ku shiray Magalada Muqdisho Warsaxafadeed

Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed(Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dilkii Fazoul AbdullahMohamed, arrimaha siyaasadda iyo dib u habeynta Agaasimayaasha Guud iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dayax madoobad xalay laga dareemay Dunida oo dhan.

Dayax madoobaad ayaa xalay lagu  arkay qaar ka mid ah Wadamada Aduunka, kuwaasi oo si isku mid ah u dareemay dayax-madoobaadka  dhacay xalay. Wadamada islaamka ayaa xalay markii la arkay inuu dayaxii madoobaaday lagu dareeray masaajidada si ay islaamka ugu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Somaliya oo tujiyey salaada Janaasada ee Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya ee xiligan Shiikh Sharif Shiikh Axmed  ayaa tujiyey salaada Janaasada ee meydka Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliya ee xalay ku geeriyoday magaallada muqdisho,kadib qarax loogu geystay gurigiisa,waxaana  salaadaasi aheyd mid lagu sameeyey masjidka Shuhadaa ee ku dhexyala Madaxtooyada Muqdisho. … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

War Deg Deg ah: Fasuul Abdalla oo ahaa Wakiilka Al-Qaacida oo la sheegay in lagu dilay Muqdisho.

Warar uu soo daabacay wargeyska Daily Nation ayaa sheegaya in ciidanka dowlada somaliya ay  dhawaan toogteen Fasuul Cabdalla oo la aaminsan yahay inuu yahay shaqsi ka danbeeyey qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzaniya. Arbacadii la soo dhaafay  oo aheyd … read more »

Posted in Wararka Maanta | 1 Comment

Xilka Mahiga ma aha dhisid ee waa burburin. Maqaal xaqiiqo ka hadal ah.

Waxaan la yaab ahayn in dad shaqo ka dhaxaysaa  ay ku kala aragti duwaanaadaan si da shaqadaas  looga miro dhalin karo  ee ugu fudud uguna kharash iyo khasare yar. Hadddii khilaaf noocaasi yimaado  waxaa la fishaa in dadka khilaafkaasi ka dhex curtay  gaar gaar dib iskugu … read more »

Posted in Maqaallo / Articles, Wararka Maanta | Leave a comment

SAWIRO laga qaaday Wasiirka arimaha Gudaha Somaliya xili uu la hadlayey dibadbaxayaasha,ka hor inta aan la dilin.

Allaha u naxariistii Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka   u dhintay  dhaawac kasoo gaaraya qarax loogu geystay gurigiisa ,kadib markii ay isku qarxisay gabar uu adeer u ahaa  ayaa markii laga soo baxay salaada Jimce waxa uu dadweyne … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

WAR DEG DEG AH: Farmaajo oo ka hadlay dilka Wasiirkiisii Arimaha Gudaha Marxuum Abdishakuur.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abdulahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii  naxdinta leh ee ku  timid Wasiirkii wasaarada arimaha  Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia Abdishakuur Shiikh Xasan Faarax oo galabta u geeriyooday muqdisho,kadib markii weerar is qarxin ah oo gabar … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Asxaabu bululuq barwaa u taal “Baarlamaanka Somaliya” Maqaal xiiso badan.

Bululuq waa magac  dad somali ahi ay ugu yeraan barlamaanka tirada badan oo tayada xun ee qayb ka mid ahba mar  carro qalaad lagu soo dhoodhoobay. Bululuq wuxuu ka kooban yahay 550 ruux oo bililiqaysatay magacii ummada somaliyeed oo usan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Xaflad lagu taageerayey Maamulka Raascaseyr State of Somalia oo lagu qabtay London

Waxaa Magaalada London lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay taasoo lagu taageeraayo Maamul Goboleedka Raascasayr State Of Somalia,oo dhawaan lagu dhisay magaalada Caluula. Xafladan Waxaa soo qabanqaabiyay jaaliyada Raascasayr  State ee UK. Barnaamijka xaflada waxaa daadihinaayay Maxamed Shire … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Badbaadi Al-shabaab besadu yeyna go’ine,baladuna ha iska-socotee !!!!!Maqaal xiiso badan.

waxaa afarta jiho isqabsaday sawaxanka dadka somaliyeed  ee ku dhawaaqaya in loo kordhiyo mudo  hal sano oo kali ah dawlada Farmaajo  say u dhammaystirto  ka dulqaadida shacbiga Al-shabaab  iyo si- xun-noosha gabbaadka ka dhiganaysa qalalaasaha dalka lagu hayo 20-ka sano. … read more »

Posted in Wararka Maanta | 1 Comment

UN-ka iyo bulshada caalamku dantee wadaan, mida somalida dhibban mise mida qawlaysatada?

Cilmi ahaan waxaa la yiraahdaa wixii shaqeeya ya quman in la hirgaliyana mudan.Marka la eego arrimaha somaliya waxaad moodaa aragti foorarta oo taa ka duwan in lagu shaqaynayo ayado taas ay horseedayso cidii (unpos) marka laga reebo somalida  ugu horrayn … read more »

Posted in Featured, Wararka Maanta | Leave a comment

Hay’ada HIRDA oo Gargaar ka fulisay Iskuulada Muqadisho (Sawiro)

Hay’addan ayaa ayaa si rasmi ah ugu howl gasha, Goboladda Dalka Soomaaliyeed oo dhan balse Mashruucan Bilowga ah ee ay fulisay ayaa ahaa kii ugu Horeeyay ee ay Muqdisho ka fuliso, HIRDA ayaa ah Hay’ad Si weyn loogu yaqaano Caalamka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Gollaha Luuqadda Soomaaliga Ee Xuduudaha Ka Tallaba.

Bilawgii qarniga 21aad, ayuu ururka Midawga Afrika (AU) ku baraarugay qiimaha afafka, gaar ahaan kuwa lagaga hadlo Qaaradda Afrika. Sidaa aawadeed, Ururku waxa uu yagleelay akaademiyad ka shaqaysa daryeelka afafka Afrika oo loo yaqaan ACALAN. Dedaalkii iyo waxqabadkii ACALAN waxa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Maamul goboleedka Galgaduud State oo loogu dhawaaqay Dubai.

Magaaada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa loogu dhawaaqay Maamul goboleed Soomaaliyeed oo la magac baxay Galgaduud State, ka gadaal markii ay kulamo yeesheen Jaaliyadaha Soomaalida ee kasoo jeeda gobalka Galgaduud ee dalka Soomaaliya. Kulamadaan oo ahaa kuwa isdaba joog … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Mahiga yuu u shaqeeyaa???

Sida ka muuqata waraagda XILSAARKA ee mahiga waxaa xoghaya guud u wakiisha in u ka shaqeeyo dalka Somalia, si dalkaa nabad loogu soo daabulo asago u maraaya xaqiijinteeda dib u heshiisiin somalida dhexdeeda , u kala dabqaadka somalida iyo caalaamka … read more »

Posted in Maqaallo / Articles, Wararka Maanta | Leave a comment

Ahlusuna oo diiday Shirka Kenya,kuna baaqday Shir ay ku qabaneyso Cabudwaaq.(Dhageyso)

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa si weyn uga soo horjeesatay shirka lagu wado inuu ka furmo Magaallada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin fikirka diidmada ay shirkaasi ka muujisay dowlada Somalia.  Madaxa Arimaha Bulshada Ahlusuna … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo Soomaalida Holland kala hadlay waxbarashada dalka Somalia iyo sidii ay garab uga geysan lahaayeen (SAWIRRO)

Shir weyne ay soo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Hirda Foundation ee ka shaqeeya waxbarashada dalka Somalia,laakiin fadhigiisu uu yahay dalka Holland ayaa waxa uu ka dhacay Magaallada Amsterdam,kaasi oo warbixin dhinaca waxbarashada Somaliya ku saabsan looga dhageysanayey Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho … read more »

Posted in Diaspora, Featured, The Story, Wararka Maanta | Leave a comment

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ali Sheekh, oo marti ku ah waddanka Holland Malinta Sabtida ahna Shir kula yelanaya Jaliyada Somaliyeed Magalada Amsterdam

Haddii alle idmo waxaa marti ku ah waddanka Holland Dr. Ali Sheekh, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho maalinta Sabtida ee 8da bisha January. Dhamaan dadka danaynaya waxbarashada waddanka Somalia iyo horumarka carruurta Somaliyeed HIRDA waxay kugu casuumaysaa inaad kala soo qayb gasho kulan looga … read more »

Posted in Diaspora, Featured, Wararka Maanta | Leave a comment