Calendar

Ayuub Aden Ali ” Puntland xoog ayey iiga duubeen muuqalka ay soo daayeen” Daawo Muuqalka Cusub ee Ayuub .

Screen shot 2011-09-22 at 12.34.38 AMWaxaana inta ay socotay cajaladaasi hore uu u sheegay magacyada dadka ka tirsan Al-Shabaab ee dilalka fuliya iyo Studio lagu duubo cajaladaha oo ay ku leeyihiin Magaallada Galkacyao,isagona sheegay in xiliga la qabanayey uu usii socday Magaallada Burhakaba oo uu kasoo jeedo.

Balse Ayuub Aden Cali oo maanta muuqal kale iska soo duubay kadib markii uu ka baxay gacanta ciidamadii hore u  hayey ayaa sheegay in la qabtay isaga oo  marayey Guriceel,waxaana uu sheegay in xiligaasi lagu qabtay cajalado uu watay  kadibna  loo dhaadhiciyey xabsi ku yaala Guriceel,iyaddo  ugu danbeyntii uu sheegay in loo soo ka xeeyey Magaallada Galkacyo oo hadana loogu geystay halkaasi jiir dil xoogan.

Ayuub Aden waxa uu ku sheegay raga u soo ka xeyey dhanka Galkacyo saraakiil ka tirsan Maamulka Faroole,waxaana uu intaasi ku daray inuusan fahansaneyn meesha uu joogay  ilaa markii danbe ay dhagihiisa ku soo dhaceen dhawaqa Radiyo Galkacyo oo ku ku fahmay inay tahay meesha la keenay magallada Galkacyo.

Balse arinta la yaabka leh ayaa aheyd markii uu cajalkiisa ku sheegay in loo dhiibay warqado lagu yiri akhri,kuwaasi oo ay  ku qornaayeen dhamaan magacyada dadkii uu sheegayey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,waxaana hadalkiisa uu raaciyey inay meesha joogeen oo waliba ka mid ahaayeen dadka ku dirqiyey arinta uu horey u sameeyey rag ay ka mid yihiin   Yaasiin Cali Saylaan, Beer Geel iyo Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

Yaasiin Cali Saylaan oo kamid ah raga uu sheegay inay meesha lagu jiirdilayey Ayuub joogeen ayaa waxaa xaqiiqo ah inuusan ku jirin Maamulka uu hormuudka u yahay Faroole ee Puntland,taasi badelkeedana uu yahay wadaad ka mid ah culumada Puntland,dhawaana waxaa loo geystay dhaawac ay fuliyeen rag hubeysan.

Daawo Video-ga

Sidoo kale Mohamed Ali Yusuf “Gaagaab”  oo horey usoo ahaa Madaxweyne ku xigeen Puntland marna ahaa wasiirka Maaliyada Puntland  ayeysan maskaxda ka daadageyn sida uu goobjoog ugu noqon karo goobta ninkaasi lagu ciqaabayey ama cajalka looga duubayey,sababtoo ah Faroole iyo Gaagaab waxay isku yihiin dab iyo Baasiin.

Ayuub oo ah nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Magaallada Burhakaba  ayaa ku tilmamaay waxa ku kalifay inuu jawaabtan bixiyo kadib markii uu hurdo ka ladi waayey muuqalka dhawaan lagu baahiyey Barta internetka,isagoona sheegay inay ku aheyd hadalao qasab looga keenay isla markaana uu raali gelin siinayo dhamaan dadkii uu magacyadooda sheegay,kuwasi oo uu xitaa qaar sheegay inay dhinteen ama dhaawacan yihiin.

Waxaa is weydiin mudan halka uu ka jiro jahwareerka muuqaladan labada ah ee laga duubay wiilkan yar ee Ayuub Aadan Cali,iyaddoo midna uu isku difaacayo midna uu ku qiranayo inuu ka mid yahay Al-Shabaab.

Cali Dahir Ciid

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: