Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday hirgalinta nidaamka axsaabta badan

Guddiyada  Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga dooday hirgelinta nidaamka xisbiyada siyaasadeed iyo xoojita howlaha Baarlamaanka.

Kulanka Guddida joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo dhammaanna ay xaadir ahaayeen xubnaha guddida joogtada ah ee Golaha Shacabka,sidoo kalena waxaa kulanka ku sugnaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Furitaanka kulankii maanta ee Guddida joogtada ah waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo howsha Axsaabta siyaasadeed ayadoo la hirgelinayo qodobbada 22aad iyo 47aad ee Dastuurka Dalka ee KMGka ah oo iyagu si gaar ah uga hadlaya xaqa ka qeybgalka siyaasadda iyo doorashooyinka, markaasi kadibna guddida joogtada ah waxey guda galeen ka doodista qodobkaasi.

Kulanka Guddida joogtada ah ayaa waxaa sidoo kale maanta ay uga hadleen miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014 ee Baarlamaanka ayadoo guddida Joogtada ahna uu warbixin miisaniyadaasi ku saabsan ka hor aqriyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), sidoo kalena waxaa ay guddida joogtada ah ka hadleen miisaaniyadda guud ee Dalka sanadka soo socda iyo arimmo quseeya xoojinta howlaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in howsha hirgelinta nidaamka Axsaabta loo bilaabayo sida ugu dhaqsiyaha badan ayadoo ugu horeynna laga bilaabayo wacyigelinta dadweynaha ee Xisbiyada iyo diyaarinta shuruucda Axsaabta waxaana howshaasi lagu soo gebagebeynayaa ugu dambeyn bisha June ee sanadka 2014ka.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey Kalfadhigii Labaad waxa ay uga hadleen howsha la xiriirta hirgelinta nidaamka Xisbiyada maadaama ay arintan ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee loo idmaday inuu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay howshan hirgelinteeda muhiim u tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ay dadweynuhu codkooda wax ku dooran karaan marka la gaaro sanadka 2016ka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: