Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyay in la siiyo xaqii ka maqnaa xildhibaanadii hore ee KMG ahaa

xildhibanada1Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ku meel mariyay in gudoonka baarlamaanka ee haatan jira ay dadaal u galaan sidii loo siin lahaa xaqii ka maqnaa xildhibaanadii hore ee DKMG ahayd ee wakhtigeedu dhammaaday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaarii oo cod u galiyay dalabkaan oo ay soo jeediyeen xubno ka tirsan baarlamaanka oo sheegay in ay jiraan xildhibaano hore oo ku rafaadsan waddanka gudhihiisa kuwaasoo qaarkood aan mushaaraadkoodii la siinin muddo sannado ah oo ay ku jireen dawladii KMG ahayd.

Waxayna dhammaan xildhibaanadii goobta joogtay isku raaceen in la xaal mariyo xildhibaanadaas oo ay sheegeen inay xaq ku leeyihiin dalka, maadaama ay u soo shaqeeyeen dalka marxalad adag.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: