Calendar

Barakac aad u badan oo maanta ilaa Caawa ka socanaya Degmada Dharkenley Ee Muqdisho iyo xiisad dagaal oo halkaasi laga dareemayo.

 

dharkenleyBartamaha(Muqdisho):-Ka dib markii ciidama aad u fara badan oo kuwa dowlada Fd soomaaliya ay maanta galinkii danbe ay ku biireen ciidama horay u tagay agagaarka sadhiga Galbeed Ee Muqdisho halkaasi oo ay joogaan  Xarunta saldhiga xoogaga Mucaardka ciidamad ka amar qaata ayaa xaalada deegaankaasi waxa ay noqotay mid qax aan kala go’ay uu ka bilowday.

 

Xafadaha Dabakaaya Madow ilaa Saldhiga Galbeed illaa deegaanka Xoosha ayaa ah mid gabi ahaanba haawanaya ka dib markii ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada labada Awoodood ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay isku hayay.

 

Barakacayaasha ayaa waxa ay isga baxeen xaafadaha la isku horfadhiyo iyadoo ay baneeyeen deegaan ka badan ilaa 2Km oo isku weer ah oo ay inta badan dadkaasi ay ka soo carareen galinkii danbe ee manta ilaa Caawa fiidkii hore .

 

Xaalada deegaanadaasi ayaa caawa ah mid aad u kacsan iyadoo ay galabta deegaankaasi gaareen ilaa 10Gaari oo nuuca dagaalka ah waxaana caawa hareeraha xaafadahaasi laga maqlayay rasaas teelteel ah oo ay isku ridayaan labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta caasimada.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: