Calendar

Barnaamijka KULANKA GARYARE ee asbuucan ku daawo Warbixno xiiso leh ” DAAWO “

kulanka Garyare

Barnaamijkan Kulanka Garyare waxaa inta badan uu yahay barnaamij todobaadle ah,waxaana soo diyaariyaha wariyaha caanka ah ee Abdiweli Ibrahim Garyare iyaddoo uu soo jeedinta kala qeybgalo wariye  kale oo u dhashay Holland balse ku hadla afka Soomaaliga.

Todobaadkan waxa looga hadlayaa barnaamijkan culeysyada dhinac socdaalka iyo shakiga dhinaca argagixisada looga qabo soomaalida Holland ku nool. Waxaana tan iyo  sanadkii hore markii rag soomaaliyeed loo qabtay tuhun fal argagixisanimo balse markii danbe lagu waayey bilowday in si gaar ah loola socda soomaalida Holland degan ee u socdaaleysa dalalka kale iyo kuwa xitaa sharciyada usoo doonta halkan.

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Holland degan oo aragtidooda ka dhiibtay iyaga ka qeybgalaya Barnaamijka KULANKA GARYARE ayaa si weyn cabsi uga muujiyey arrintaasi,iyaddoo dhinaca kale Guddoomiyaha Dallada Soomaalida Holland ee la yiraahdo FSAN mudane, Xuseen Khadhiib oo kasoo muuqday isagana barnaamijkan uu arrintaasi ku tilmaamay mid ku timid midnimo la’aanta Soomaalida Netherlands degan.

Waxaa sidoo kale barnaamijka ku daawan doontaan Filmka baryahan soomaalida aadka u hadal heysay ee ka hadlaya midnimada soomaalida,kaasi oo uu soo saaray Film-sameeyaha soomaaliyeed Ahmed Farah oo iminka degan Kenya balse laftiisa ka mid ah soomaalida sharciga Holland heysata.

Qeybta danbe waxaad ku daawan doontaan Tartanka dhalinta soomaalida Holland ee uu qabanayo Bob Lagas oo u dhashay Holland balse afka Soomaaliga barnaamijkan ku daadihiya qeybtiisa danbe, Waxaana uu xiiso gaar ah u leeyahay dhalinyarada qurbaha ku nool oo u hamuun qabta barashada iyo ku hadlida afkooda hooyo.

Barnaamijkan oo socda asbuucii sadexaad ayaa ka mid noqday barnaamijyadda loogu xiisaha badan yahay ee ka baxa tv-ga UNIVERSAL TV iyo Shabakadaha afka soomaaliga wax ku faafiya ee la soo geliyo  barnaamijkan.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA .

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=wwBQLhBCfU0

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: