Calendar

Beelaha Celi oo si weyn u qaadacay Maamul Cusub oo lo dhisay Dagmada Cabudwaaq‏

issimo2Kadib markii malin ka hor  lagu dhawaaqay maamulka cusub ee magaallada Cabudwaaq ayaa shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka Aqonyahanada dhalinyarada Beelaha Celi    isla markaana ay qurba joogta uga qeybgaleen dhinaca telefoonka ayaa ka dhacay Magalada Cabudwaaq  Shirkaas aya gebi ahaanba lagu deedafeeyey oo looga soo horjeedaysaday  maamulka ay magaallada u  sameeyen  Sh. Liibaan iyo  Prof, Laba-Garre.


Maamulka cusub oo ah mid ay ka dhexmuuqdaan rag ku cusub saaxada siyaasada ahlusuna iyo kuwa horey usii joogay oo boosaskoodii lagu celiyey ayaa dhinaca kale waxaa sida ay beelaha Celi maanta sheegeen ay ku tilmaameen inuu yahay mid baalmarsan cadaalada iyo wax qeybsigii ka dhexeeyey beelaha wada dega Cabudwaaq.


Nabadoon Maxamed Abdisalaan Barre oo kamid ah madax-dhaqameedyada beelaha Celi ayaa sheegay inaysan aqbali doonin maamulka cusub,isagona sheegay inuu yahay maamul aan ku iman rabitaanka dadweynaha,balse ku yimid rag qol isku soo xiray oo marna aan soo sameyn wax rag ku hishiiyo.isagoo halkiisa sii watana waxaa uu yiri  ” Maamulka Ahlusuna ee Galgaduud ka dhisan ciidanka iyo aqoonyahanka ugu badan ee bilaabay waxa  ay u dhasheen Beelaha celi,Baabuurta dagaal ee maanta lagu hortaagan yahay Al-Shabaab waxaa iska leh Beelaha Celi,iyaddoo sidaasi ay  tahay ma qaadan karno in Maamulkii Magaallada hogaankiisii sare  anu iska wayno”  ayuu si ay caro  ka muuqato u yiri Nadoon Maxamed Abdisalaan Barre.


Dhinaca mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray guddoomiyaha Ahlusunna Gobolada Dhexe Prof,Laba Garre,waxaana ay ku  tilmaameen inuu yahay nin u hiishay ama u liicay dhinaca qabiilka,isagoo xilka ugu muhiimsan ku safay qabiilka uu ka dhashay.


Nadoon Ahmed Xuseen Garba-cune oo  arintaasi ka hadlaya waxa uu yiri ”  Adeer nina lagama yeelayo inuu wiilasha   la dhashay meesha kusoo guro,iyadoo ay meesha ka maqan yihiin dadkii xaqa u lahaa maamulka. Mida kale  Laba-Garre haddii aan isagii xilka Guddoomiyaha u deynay, Ma waxa uu inoo keenay inuu xilalkii kale isla dadkiisa dib ugu celiyo.Haddii ay taasi uu ka laaban waayo,hala socdo in aan qaacdaceyno la shaqeyntiisa isla markaana uusan ka shaqeyn doonin dhulka aan deganahay oo dhan” ayuu hadalkiisa ku soo celceliyey Nabadoon Ahmed Xuseen Garba-cune.



Col,Ceelbuur oo ka mid ah qurba joogta qadka telefoonka uga qeybgalay kulanka looga soo horjeestay maamulka cusub ee Cabudwaq  ayaa sheegay inuusan maamulka la sameeyey hada wax ay ku taageeraan,aysan jirin Balse taasi badelkeeda ay arkaan waxyaabo badan oo looga horyimaado maamulkan. Waxaana uu yiri isaga oo hadlka si wata,


” Dadka wada degan si xalal ah ha u qeybsadaan maamulka waa war aanu qaadan karno,Laakiin   maamulkii Ciidankiisa,aqoonyahankiisa iyo dhaqaalaha uu ku shaqeynaya idin ka bixiya,hadana Maamulka hogaankiisa rag kale oo xigtadeyda ah ayaan u dhiibayaa kama qaadaneyno Lab-Garre iyo cidii kale ee kula talisay maamulka Dhiciska ah ee saaka lagu dhawaaqay”  ayuu yiri Col, Ceelbur



Sh. Saacid Maxamed Cabdi  oo asna ka mid ah  Qurba jogta  qadka telefonka  kusoo galay Shirka aya Waxaa uu yiri  wax la qadaan karo  ama cadalad ku salaysan ma ahan in Gudomiyaha Gobolada Dhexe  Gudomiyaha  Golaha  Majraca  iyo Taliyaha Ciidamada Cabudwaaq  ay hal beel qadato  Halka Beesha  Celi oo la wada ogyahay Halganki dheere ee ay u soo gashay  Nabada iyo kala danbeynta manta ka jirta Waqooyiga Galgaduud kuna wayday  Dhalinyaro badan in lo magacaabo   Madaxa Qaxootiga iyo Samafalka taasi  Jawaabteeda waxaan u daynaya inta Goobtan fadhida iyo inta  Warbahinta ka dalacan doonta    hadi midaasi ay cadalad tahay iyo hadi aysan ahay.



Intaasi ka dib  Waxgaradki  goobta fadhiyay iyo qurba jogti  telefonka  uga qayb qadanayay waxaay isla garteen  in la dhiso Gudi qaban qaabo kaas oo soo diyarin doona  qabdhismeedka  Maamulka  Cusub oo logu  magacaabo  Maamulka  Ahlusunna ee Waqooyiga Galgaduud Waxaana  lo balamay  dhamaystirka Gudiga Qaban qabada  malinta  bari ah oo ay taarikhdu tahay 09/10/2011.



Kadib mucaaradada Beelaha Celi ee maamulkan cusub ee Cabudwaaq ayaa magaalada waxaa laga dareemayey xiisad colaadeed iyo maamul beeleed looga soo horjeedo maamulka hada la sameeyey,Gawaarida dagaalka oo ay saaran yihiin maleeshiyaad ka soo horjeeda maamulka isla markaana  ay saaran yihiin qaarka mid ah raga saxaafadda soo gaarsiiyey inay kasoo horjeedaan maamulka cusub aya lagu dhex arkaya Magalada .



Lama yaqaan jawaabta  uu maamulka Laba-Garre ka bixin doono diidmada ka timid Beeshii loo tirinayey awooda Ahlusunada Gobolada Dhexe waxaana haddii ay sii socoto diidmadooda maamulkaasi laga yaabaa in lagu kala tago nabadii iyo maamul wanaagii baryihii danbe ka jiray Cabudwaaq. Waxaana wali dadweynaha reer Cabudwaaq ku jiray muran xoogan oo ay ka qabeen sida uu sax ku yahay doorashadii uu kusoo baxay Prof,Laba-Garre.

————————————–

Xasan Jama Farah
Cabudwaq,Somaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: