Calendar

Belguim : Hawenka xidha Burqa iyo Niqaab waa todobaad jeel ah iyo ganaax

xijaab1Dalka Belguim ayaa noqonaya wadankii labaad ee soo raca dalka faransiiska ee ka mamnuuca
haweenka Islaamka ee xidhan Burqa iyo Niqaabka in ay raacan gaadiidka dadweynaha iyo in ay la
soo dhex galaan goobaha dawaymaha.

Baarlamanka dalka Belguim ayaa mar hor isku khilaafay in ay mabnuucaan Burqada iyi Niqabka
inkasta oo ay isku raaceen todobaadkan hadana waa in aan la waafajin xeerka dastuuriga ah  ee
u yaala nabadgelyada ,sababtoo ah waxa ay dhaawacaysaa xoriyada  iyo xuquuqda diimaha
u yaala, laakiin waa in la ganaaxo haweynada  Islaamka ah ee xidhata Niqab iyo burqa  oo
ay mutaysato todobaad jeel  ah iyo lacag ganaaxa.

Waxa ay leeyihiin lama diidana xijaabka laakiin waa  in haweenka Islaamku wajigoodu uu
muuqdo oo haddi ay wada dadantahay waa lagu soo dhex dhuuman karaa waa sida ay hadalka
u dhigeen

NB. Dameertu geela ha didisee bururuftaa igaga daran, hadii aad raad raacdo bilowgii
dagaalkii labaad addunka dadkii sida gaaraka loo beegsan jiray iyo xaaldan maanta
ka  ifaysa Yurub waa kuwo is shabaha.

M.Farah Aden ( Ghandi

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: