Calendar

Cabudwaq oo laga furay tababarka Umulisooyinka iyo Gudniinka Gabdhaha .”warbixin iyo Sawiro”‏

odey cabudwaqTababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Karama Women Organization isla markaana ay maalgelisay Hayàdda HIRDA ayaa waxaa ka qeyb kaa qadayey qaar badan oo ka mid ah haweenka magaallada Cabudwaaq. Waxaana goobta lagu qabtay joogay bulshada qeybaheeda kale sida,Culimada,Haweenka,Aqoonyahanka iyo madaxda Maamulka Magaallada Cabudwaaq.

hirda cabudwaq 3Furitaankii tababarkaasi ayaa waxaa ka hadashay Fadumo Caanood oo ku dheeraatay ka hadalka barnaamijkan ku aadan umulisooyinka iyo halista gudniinka fircooniga,waxaana ay sheegtay inay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii labadaasi arimood dadaal weyn looga sameyn lahaa. waxaana iyaddoo hadalkeeda sii wada ay tiri,

Photo0123“Sida aad la socotaan howlaha aan maanta isugu nimid ma ahan kuwo yar,sababtoo ah Umulisanimo iyo gudniinka gabdhaha  waa laba arimood oo dhibkooda ku leh haweenkeena,waxaana mudo kusoo jirnay dhib inaga heystay labadaasi,Laakiin saaka wixii ka danbeeya waxaa la idin ka rabaa in aad waxbadan ka fahantaan tababarkan,kadibna aad ku dhaqantaan” ayey tiri Fadumo Caanood.

Photo0135Nuuro Cartan ayaa iyana ka hadashay sida loo fulin doono barnaamijkan maanta ka bilowday magaallada Cabudwaaq iyo xitaa Hayàdda gacanta weyn ka siisay qabsoomida howshan.

” Howshan la idin ku tababarayo waxaa soo qaban-qaabiyey ururka Karaama Women Organization,iyaddoo gacan weyn ka heleysaa Ururka weyn ee HIRDA Foundation ee xaruntiisu tahay Magaallada Amsterdam ee wadanka Holland,waxaana ujeedka labadan urur uu yahay sidii baahida aad umulisanimada iyo gudniinka gabadha aad ka qabtaan la idin ka saari lahaa. Waxaana howshan socon doontaa ilaa iyo inta ka dhiman sanadkan aan ku jirno ee 2011-ka. Aniga oo ku hadlaya magaciinana waxaan u mahadcelinayaa ururka HIRDA oo howshan maalgelinteeda gacan inaga siiyey.” ayey hadalkeeda kusoo xirtay Nuro Cartan.


hotelka shirka cabudwaqCawil Cabdille oo ka mid ah Hayàdda HIRDA maamulkeeda Magaallada Cabudwaq oo hadalo ka jeediyey furitaanka barnaamijkan ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhda iyo waxqabadka ururka HIRDA oo la aasaasay sanadkii 1998,waxaana uu intaasi ku daray inay waxbadan ka qabteen waxbarashada iyo howlaha kale ee arimaha bulshada,sida Barnaamijkan Umulisooyinka iyo Gudniinka gabdhaha somaliya lagu sameeyo.

odey cabudwaq 1Ugu danbeyntii tababarkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay wacyigelinta laga wado dhinaca umulisanimada oo ay somalida aqoonyari xoogani ka heysato iyo dhaqanka dhibka ku ah gabadhaha somaliyeed ee gudniinka. Waxaana munaasabadii lagu soo dhamaaday sidi farxadgelisay ka soo qeybgalaashii madashaasi fadhiyey.

Ali Dahir Ciid

Delft,Netherlands

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: