read more »">
Calendar

Cuna-qabateynta waa nagala qaaday balse hub ma gadan karno, wasiirka difaaca Soomaaliya

Ciidamada Soomaaliya ayaan helin “wax rasaas ah” tan iyo markii ay golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ay ka qaadeyn cuna-qabateenta hubka ee saarneed Soomaaliya, sidaasna waxaa sheegay wasiirka difaaca Soomaaliya.

Hogaamiyaasha cusub ee Soomaalida ayaa doonaya iney tababaro iyo qalab ay u helaan 28,000 oo askaro, saddex-da sano ee soo socoto balse waxa jirto dhaqaalo la’aan sida uu sheegayo Cabdi Xakiin Fiqi, xilli uu ka qeyb galayey shirka London ee dhaqaalo bixiyaasha ay kula kulmayeen.

“Cuna-qabateenta waxa nalaga qaaday muddo 2-bilood ka hor, ilaa hadane wax “xabad” ma aan helin ama hal qori oo “AK-47″ sababtoo ah dhaqaalo la’aan” Fiqi ayaa sidaas ka sheegay Royal Institute oo difaaca ka shaqeysa.

Ciidamada ay hadda haysato dowladda Soomaaliya ayaa tiro yar ah iyagoona ay haysato qalab la’aan iyo isku aadisnaan ciidanimo, waxana ay dagaalo kula jiraan kooxda Al shabaab.

“Afar-tii bilood ee lasoo dhaafey, ciidamadeena way iska fadhiyaan, waxna ma qabanayaan. dagaalyanadda Al Shabaab ayaa soo weeraryo, iyagane waxa ay ku jiraan difaac qura maadama aysen hub iyo xabado aysen haysan” ayuu raaciyey wasiirka difaaca SOomaaliya.

Fiqi waxa uu ka gaabsaday inuu bixiyo qiyaasta dagaalyahanadda kooxda Al Shabaab balse waxa uu sheegay dhaqaalo la’aan soo wajahday kooxda iyo is-qab-qabsi dhinaca hogaaminta ay keentey iney awoododa ay hoos u sii dhacda, ayna dhul badan lumiyaan, maalinba-maalinta xigta.

“Qorshaheena amaanka qaranka ee xasilooni soo celinta waxa ku xusan in la dhiso 28,000 oo askari muddo saddex sano gudaheeda” ayuu yiri Fiqi oo raaciyey iney loo baahan doono dhaqaalo gaarayo $160 Million.

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: