read more »">
Calendar

Daa’uud Aweys oo ka warbixiyey kulamo uu Madaxweyne Xasan SH la qaatay madaxda Jaamacadda Carabta

Daud-Aweis-677x316_cSharmal SHeekh(Bartamaha) Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ka mid ah waftiga  madaxweyne Xasan SH Maxamuud ku wehlinaya safarka uu ku joogo magaalada Sharmal Sheekh ee wadanka Masar ayaa ka warbixiyey Qudbad uu madaxweynuhu ka jeediyey shirka Sharmal SHeekh iyo kulamo uu la qaatay madax ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys  ayaa sheegay in shirka Sharmal Sheekh uu muhim u yahay Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu uu halkaa ka jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Daa’uud Aweys oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan SH uu la kulmay xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carabi iyo masuuliyiin kale oo ay ka wadahadleen arimaha Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay ahmiyad gaara siinayso sidii loo caawin lahaa wadamada Masar iyo Soomaaliya oo uu sheegay iney yihiin ajandayaasha hada miiska saaran.

 

Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc