Calendar

Dad ku eedaysan dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey oo Maxkamadi xukumo ku riday

Cqadir GacameyMaxkamadda maamulka Puntland ayaa mar kale xukunno dil ah ku ridday lix eedeysane oo afar ka mid ah ay ka maqan yihiin gacanta maamulka, halka labada kalena ay ku xiran yihiin xasbiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Dadkan oo  shalay la xukumay ayaa la sheegay inuu ku jiro gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir Gacmey, iyadoo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Putland uu sheegay in eedeysanayaashan ay horay u soo xukuntay maxakamadda darajada koowaad ee Puntland.

“Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland waxay xukunno dil ah ku ridday lix qof oo ku eedeysan inay dilal geysteen, kuwaasoo laba mid ah ay gacanta ku hayso dowladda, halka afartii kalena ay baxsadeen, waxaana lagu xukumay dil toogasho oo kama dambeys ah,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland, C/Kariin Xasan Fidhiye.

Sidoo kale, Firdhiye wuxuu sheegay in eedeysanayaasha la xukumay horay loo siiyay rafcaan 30-maalmood ah uuna u dhammaaday, ayna ku ridday maxkamaddu xukunkii kama dambeysta ahaa, laguna fulin doono labada ruux ee gacanta lagu hayo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: