Calendar

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne qaar kamid ah oo Muqdisho loo qaaday

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa maanta la geeyay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyadan oo gaarayay ilaa 14-ruux ayaa waxay yihiin kuwo dhaawacooda aad u liito, waxaana laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaala Xerada Xalane ayaa la dhigay dhaawacyada, halkaasoo lagu daweyn doono.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo beryahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la socday diyaarada dowladda u dirtay Beledweyne, kana soo qaaday dhaawacyada.

Saddex ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay inay xalay iyo saakay ku dhinteen Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti, iyadoo tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ay ka dhigtay ilaa 17-ruux.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay hey’adaha dowladda inay u gurmadaan dadka ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne, si deg deg wax loogu qabto.

Qaraxii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Beledweyne ayaa ahaa kii labaad oo magaalada ka dhaca tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: